FBI-da oo Baaraysa Dil Wiil Somali ah Loogu Geystay Dalka Mareykanka.
Posted by abdi on December 06 2014 15:16:53

Hay’adda barista federaalka Mareykanka ee FBI ayaa baaraysa dilka wiil Soomaaliyeed.


Extended News

Hay’adda barista federaalka Mareykanka ee FBI ayaa baaraysa dilka wiil Soomaaliyeed loogu geystay magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, kaasoo ay suuro-gal tahay inuu la xiriiro arrimo jinsi-nacayb ah. C/samad Sh. Xuseen oo ah wiil Soomaaliyeed oo 15-jir ah ayaa lagu dilay habeennimadii Khamiista ahayd gaari ay rag dhallinyaro ah wateen, kaddib markii uu ka baxay xarun ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Kansas, xilligaasoo uu doonayay inuu gaarigiisa galo. "Waxaan si wadajir ah ula shaqeeyo booliiska magaalada Kansas si arrintan baaris dhab ah loogu sameeyo," ayuu Jimcihii shalay sheegay afhayeen FBI Bridget Patton, isagoo intaas ku daray. "Baaristan waxaan ku furaynaa hab la xiriira baaritaanka xuquuqda madaniga oo la xiriirta jinsi-nacayb.” Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaarigan si ula kac ah loogu dhuftay wiilka oo ordaya, kaa oo markiiba ka go'ay mid ka mid ah labadiisa lugood, iyadoo loola cararay isbitaal halkaas oo uu goor-dambe ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Baaritaankan ayaa yimid kaddib markii ururka muslimiinta magaalada Kansas iyo urur ay leeyihiin dhallinyarada magaaladaas ay dalbadeen in arrintan baaritaanno lagu sameeyo, si loo ogaado sababta keentay dilka. Zulfiqar Malik oo xubin ka ah guddiga sare ee golaha muslimiinta magaalada Kansas ayaa yiri isagoo arrintan ka hadlaya. "Waxaan hay’adaha sharciga Mareykanka weydiisanaynaa inay baaraan falkan si loo ogaadi haddii ay suuro-gal tahay inuu yahay dambi dhinaca jinsi-faruuqa ah.” Golaha Muslimiinta Mareykanka, golaha xiriirka muslimiinta iyo saraakiil ka tirsan xarun ay Soomaalidu ku leedahay Kansas ayaa laga soo xigtay inay jireen bilihii lasoo dhaafay halis lagu hayo muslimiinta magaaladaas ku nool. Xubnahan ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay magaalada ku arkayeen gaadiid ay wataan dad kasoo horjeeda muslimiinta, kuwaasoo ku dhajistay daaqadaha gaadiidkooda erayo ku qoran Ingiriis oo tilmaamaya hadafkooda Muslim nacaybka ah. Dhanka kale, guddoomiyaha golaha muslimiinta Kansas ayaa war uu Jimcihii soo saaray ku sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Federaalka Mareykanka inay ka digtoonaadaan in arrintan ay waji kale yeelato. Si kastaba arrintu ha ahaatee, booliiska magaalada Kansas ayaa Ilaa hadda xiray wiil 34-jir ah oo lagu magacaabo Axmed Xaaji Aadan oo ay sheegeen inuu isku dayay inuu ka cararo xilli ay baaritaanka arrintan ku jireen. 


Hargeysa Online