Dadwaynaha Gobolada Barri oo Si wayn u soo Dhaweeyay Musharaxnimada Maxamed Biixi.
Posted by ifraax on August 03 2015 14:07:26

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa soo dhaweyn weyn kala kulmay dadweynaha ku nool Gobolada Barriga.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa soo dhaweyn weyn kala kulmay dadweynaha ku nool Gobolada Barriga Somaliland,

Wasiir Biixi oo ka mid ahaa Waftigii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo) ayaa mudadii uu ku sugnaa Goboladaasi waxa si weyn u soo dhaweyey dhammaan Dadweynaha ku dhaqan goboladaasi, Wasiir Maxamed Biixi ayaa ka mid ah Xubnaha tartanka ugu jira Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye ee Shirweynihiisu la filayo in uu qabsomo bisha September ee soo socda,  waxaanu ka mid yahay Xubnaha ugu firinfircon.

Inkasta oo aanu Safarkani ahayn mid oloole ah balse haddana mudadii safarku lagu gudo jiray.

Xogo Hargeysa Online helayo ayaa tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo qorsheeyay sidii uu u caddayn lahaa inaanu musharaxa shanta sanno ee soo socda ahayn, islamarkaana uu damacsan yahay in wakhtiga ku haboon ee laga heshiiyo khilaafka Mucaaradka iyo xukumadda ee ku salaysan muddo kordhinta uu shaacindoono  inaanu sharaxnayn, iyadoo durba Olole hoose ay  Sameynayaan musharaxiinta hankooda hore u shaaciyay ee Kulmiye.

Dadwaynaha ayaa si isku mid ah u soo dhawaynaya Musharaxnimada Maxamed Bixi Yoonis iyagoo u arka inuu yahay Masuul xidhiidh fiican la leh beesha Caalamka isla markaana Shaqooyin fiican ka soo qabtay Caalamka.

 

HargeysaOnline