Waxaa farxad weyn u ah dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Ururka Waddani, gaar ahaana qaybahaHaweenka in la furay xafiiskii Garabka Haweenka Ururka Waddani ee heer caalami iyo heer Gobolba, kaasoo dhowaan laga hirgeliyey Gudaha Waddanka Somaliland. Sidaas awgeed ayaa anigoo ku hadlaya magacayga Kaltuun Ibrahim Mooge iyo kan garabka haweenka UK, Waxaan hambalyo aan xad lahayn halkan uga dirayaa dhamaanba qaybaha Haweenka Ururka Waddani Gudo iyo Dibadba, gaar ahaana xubnaha cusub ee Ururka ee dhowaan loo igmaday xilalka:
Arintani waxay muujinaysaa sida Ururka Waddani u tixgelinayo kaalinta haweenka oon dhamaanteenba ka wada war-hayno qiimaha ay ugu fadhiyaan Waddanka iyo Siyaasadaba; una yihiin tiirdhexaadka Waddanka. Waxaan filayaa in haweenka oo ah codbixiyaha ugu badan ee waddankeena ay maanta og yihiin in Ururka Waddani u hayo xushmad iyo sharaf, una ogol yahay inay kaalintooda siyaasadeed iyo horumarimeedba buuxiyaan.
Xubnahan loo igmaday xilkana Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu la garab-galo, u fududeeyo, kuna guuleeyo hawshan ay xambaarteen. Waxaanu idin leenahay Hambalyo..... Hambalyo ...... Hambalyo iyo Guul.
Kaltuun I Mooge Xisaabiyaha Guud ee Ururka Waddani UK. [email protected]