Bismilaahi raxmaani raxiim ascww
Fadiilatu sheekh cumar xuseen aw jaamac oo ku magac dheeraa sheekh cumar ceesh
waxa uu ka mid ahaa xubnihii sida wayn uga hawlgalay barashada diinta islaamka
inuu dalka soomaaliya ka hirgaliyo.
waxa sheekhu ka qalinjabiyay jaamacada ASHAR ee dalka masaarida waxaanu ahaa inta la garanaayo
wadaadadii ugu horeeyay ee dalka masar waxbarasho u taga kana soo qalin jabiya.
ilaahay haka raali ahaadee waxa sheekh cumar bilaabay FIDINTA DIINTA ISLAAMKA
Tafsiirka quraanka kariimka ah iyo barashada axaadiiska rasuulka calayhi salaatu wasalaam
ayuu ka bilaabay magaalada hargaysa waxaana uu ku guulaystay in uu arday badan
aqoonta diintiisa ku shubo.
waxa markiiba suurtagal noqotay in ardaydii uu waxbaray ay ayaga laftoodu wax sii baraan
arday kale.
ilaahay mahadi haka gaadhee waxa sheekh cumar xuseen horseeday in dhamaan dalka gudihiisa
ay ku faaftay barashada kitaabka QURAANKA KARIIMKA ah iyo barashada xadiiska rasuulka csw
Waxa hoostaada ku sawiran MASJID JAAMACA magaalada hargaysa oo ah masaajidka ugu wayn
somaliland magaalada hargaysa waxaana lagu bilaabay nidaam iskaa wax u qabso ah
waxa sheekh cumar xuseen ka mid ahaa xubnihii degaanka ee ayagu suurta galiyay in la dhiso masaajidkan
waxay si wayn u abaabuleen bulshada magaalada hargaysa kuna dhiiri galiyeen in si wada jira
baytankan ilaahay loo taago.