anaa yaaban dawladi waa qaran,waana hanyi lawada leeyahay cidna aanay gaar u lahayn,aa jaamacad ama iskuul ina bara dad badan.
anaa yaaban dawladi waa qaran,waana hanyi lawada leeyahay cidna aanay gaar u lahayn,aa jaamacad ama iskuul ina bara dad badan oo aynaan aqoon u yeelaneen hadii ay gurigii hooyadood ay joogi lahaayeen,bal hada eeg,inta madaxwayne ay ina soo bartay,xildhibaan;wasiir,agaasime,maareeye,iyo xilalka faraha badan ee ay dawladnimadu ay wadato,waxa hadana yaab leh in dhamaan xilalkaas uu qofku soo doonto isagoo adeegsada odayaal,qansax,qaraabo,aqoon iyo wixii kaleba,markaa kadib magacaabistiisa iyadaa ina barta,sidaasoo ay tahay markuu reerkiisa qofkaasi dhex joogo malaha wax qiimo ah aan ka ahayn inuu reerkaa ka tirsan yahay,qof kasta oo dhintana eebe ayaa dila sarkaal iyo subeehiba,miyaaanay inaga ahayn ama aanay salaadiin,cuqaal,iyo cid u mudaharaadaba aanay lahayn kuwii shalay shilka ku dhintay,mayaway leeyihiin laakiin kuwaa waxaad aaminsan tihiin in ilaahay dilay,kuwana ay reer hebel dileen,waataa sirta keliya ee dhexdiina ka jirtaa,haa waa taa bal eeg imisa waalan oo nolol u baahan ayaa idinku dhex silcaya,markaasaad u tafa xaydateen dagaal iyo mid bed qabo dilkii kaasoo aan waxba idinka galabsan,bal eeg alle haw naxariistee cabdirisaaq miyaan aqaanay?yaa i baranay?maxaanse hada ku ogaaday inuu qoladaa ahaa,kuwii ka horeeyeyna sidoo kale,waxse keliya oo aan ogahay inay ahaayeen halyeeyo qaran cidkalena aanay qalad ku lahayn ee uu eebe oofsaday,kuna sababay mid u ehela oo ajasha ka dhameeya,waxse inoo eg oo kelya in sidii horeba u soo dhacday iyagana waajibkooda la mariyo,