Degmada Widh-widh ee Gobolka Buhoodle ayaa waxa saaka ka dhacay labba Dil oo aano ah, Wararka aanu ka helayno halkaasi ayaa sheegaya.
Hargeysa(Hargeysa Online) Degmada Widh-widh ee Gobolka Buhoodle ayaa waxa saaka ka dhacay labba Dil oo aano ah, Wararka aanu ka helayno halkaasi ayaa sheegaya in Nin uu dilay Nin kale isla Markiiba Ninkii waxa dilay ayaa isna la dilay waxana dilay Nin adeer u ah ninkii hore ee la dilay.

Goob jooge ku sugan Widh-widh ayaa noo xaqiijiyey in saaka lagu aasay degmadaasi labadaasi nin.
Ninka kale ee Nool ee wax dilay ayaa la sheegay in Ciidnaka Qaranka ee Degen Widh-widh ay gacanta ku hayaan.
Hargeysa Online