Gudoomiyaha Wadani oo Lacag ugu deeqay Wanqalka Degmada Cusub ee Bali-Mataan.
Posted by xaaji on July 31 2016 16:30:19

Gudoomiyaha golaha wakiilada isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo wafti balaadhan.


Extended News

Gudoomiyaha golaha wakiilada isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo wafti balaadhan oo isku jira saraakiisha xisbigaasi iyo xildhibaano oo uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay maanta ka qeyb galeen xaflad loo sameeyey wan qalka degmada Cusub ee Bali-Mataan.

Degmadan cusub ee Bali-Mataan ayaa waxaa ay ka mid aheyd lix degmo oo uu dhawaan madaxweyne siilanyo dhawaan magacaabay waxaana xafladan wan qalka ah ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan xukumada madaxweyne siilanyo , xildhibaano , cuqaal iyo dadka deegankaasi ka soo jeeda

6-18wqrq.jpg

24151453434.jpg

dfbdsfbeeee.jpg

dfhewgrewyewy.jpg

dghewrewew.jpg

dsfgewgewrgewr.jpg

dsfsfgewgrewhe.jpg

ehewryewrywegxfbdsb.jpg

fdshewrewyewy.jpg

fewgwewgrewgrew.jpg

gewrtwergewrg.jpg

rt32t324t3ty23.jpg

sdghewrgwehrwe.jpg

tqwrtewrt32yt.jpg

wrt32t324tqewrgg.jpg

wrt34targewg.jpg

Gudoomiyaha oo madasha hadalo kooban ka yidhi ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Bali-Mataan ay u qalanto in degmo laga dhigo isla markaana ay haboon tahay in ay hesho baahiyaha aasaasiga ee Caafimaadka iyo wax barshada waxaana uu yidhi

“Magaalada Bali-Mataan waxaan odhan karaa waa magaalo u qalanta in ay degmo noqto , goob kasta oo degmo ama gobol u qalantana waa in aanay xukuumadu shuruud ku xidhin oo ay u magacowdaa , waana in ay heshaa degmadu dhamaan baahiyaha aasaaska u ah nolasha ee Caafimaadka iyo wax barshada ” ayuu yidhi

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu goobta kaga dhawaaqey qadar lacageed oo uu ugu talo galay in lagu horumariyo baahiyaha degmadan cusub waxaana uu yidhi

“Aniga oo shaqasiya Cabdiraxmaan ahaan waxaan jecelahay in aan ku deeqo qadar lacag ah oo kooban oo ah $3000 ( Saddex kun oo dololor) oo aan ugu talo galay in wax loogu qabto baahiyaha degmadan cusub ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey gudoomiye Ciro.


Hargeysa Online