Ciidamada Burundi oo isaga bixidoona isbaheysiga Amisom.
Posted by abdi on November 07 2016 11:02:08

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa laga yaabaa inay isaga baxaan AMISOM bacdamaa aysan helin wax mushaar ah muddo dheer.


Extended News

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa laga yaabaa inay isaga baxaan AMISOM bacdamaa aysan helin wax mushaar ah muddo dheer.

 

 

Dhanka kale ayaa waxaa dawlada Burundi ay sheegtay in wax xilal ah oo dhanka hoggaaminta ah ciidamadeeda loo diiday. Labo waziir oo dawlada Burundi ka tirsan ayaa arinkaa ka dhawaajiyay caasimada dalkaa ee Bujumbura. “Ciidamada Burundianka waxaan laga siin jagooyin AMISOM. Dhibaato kale waxay ka jirtaa qorsheyaasha wax lagu siiyo ciidamadeena nabad ilaalinta' ayuu yiri mid ka mid ah waziiradaa, Emmanuel Ntahomvukiye. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu kaloo sheegay in arinkaa ay wadaxaajood kusaabsan la leeyihiin midowga Afrika (AU). Inkastoo ciidamada Burundi ay Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Afrikada Dhexe u joogaan nabad ilaalin dalka Burundi qudhiisa ayaa rabshadi ka dillaacday bishii 4aad ee kal hore kadib markii madaxweynaha dalkaa Pierre Nkurunziza uu xilka madaxweynenimo isku dhajiyay.

Hargeysa Online