Hanka Siyaasadu Dan wadaag maaha Ninba aashi buu wax u eegaya !!!
Posted by ifraax on November 19 2016 14:33:56

Siyaasi kasta marku saaxada soo galo wuxu leeyahay Han iyo Himilo isaga gaar u ah ! Somaliland waa dal kamida dalalka maanta isa soo saaray.


Extended News

Siyaasi kasta marku saaxada soo galo wuxu leeyahay Han iyo Himilo isaga gaar u ah !
Somaliland waa dal kamida dalalka maanta isa soo saaray iyo waliba isku filaanshu dawladeed tusay caalaamka, awoodna u leh inay kamid noqon karaan dawladaha Caalamka ! Maalin maalamaha kamid ahna calanka Somaliland laga taagi doona caalamka dhan iyada u aqoonsigeedi haysata.


Hadaba aniga Hanka siyaasiga aan maanta ku socdaa waa inaan dalkayga iyo dadkayga aan maanta waxna ka fa'daysto iyagana u fa'ideeyo , marnaba maaha dan gaar aniga kaligay igu koobnaan karta !
Siyaasadu way is rog rog badantahay sida dabaysha , maalina waa laydh macaan maalina waa hanfi kulul ! Markaa sida cimilada caalaamka aanu oga kaashano kulba heerka qabawga iyo kulaylkaba ay marayaan waa inaan oga kaashana dabaysha Siyaasada maanta socota.
Marnaba ismaan odhan tacab iyo xoog aad meel gashatay muddo dheer ayaa noqon karaa Hal Bacaad lagu lisay ! Laakin markasta waxaan aaminsanahay ( Qadar Allaah ) inay wax walba ku dhacaan , markastana ilaahayba xaqaas iisoo celin doono maalin maalmaaha kamida !
Waxaan maanta ku faraxsanahay kol hadii aanan anigu Mabd'a aan aaminay marnaba ka bixin laakin waayuhu dhigay inay shaxdu sidaas ku xidhantu ! Shaxduna waa shax hore loo ciyaaray ee maaha mid maanta wakhtigan la dhalatay :
Waayo Wanka UCID waligiis xaraash ayoo ahaa !
Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ahaa qofki ogu horeeyay Taariikhada Xisbiyada Somaliland   ee laga xayoobiyo  Xilka Godomiyaha Abaabulka Qaarada Europe aniga u waliba Haween ah 30.12.2015 because waxaan diiday inaan qaatu markaas qaladka maanta uun la wada arkay :
- Waxaan idhi ma Mucaarad baan ahay mise Muxaafad ?-Waxaan idhi Faraski aad tidhi waan ka dagaya  maanta ma kuri kartid waa qalad ! 
Markaa waxaan cadaynaya inaan anigu ahaa 4 sanno :
- Waxna wuu arkaa - Waxna wuu ogyahay
Laakin UCID ayaa noqotay : Waxna aayar buu ka ilduufaya