URURKA WADDANI OO XAFLADO AAD U BALAADHAN KU QABANAYA MAGAALOOYIN BADAN OO KU YAAL WADDANKA INGRIISKA.
Posted by xaaji on September 30 2012 06:02:52
Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa ku qabanaya xaflado aad u balaadhan oo si aad u heersaraysa loo soo agaasimay Magaalooyinka London iyo Shefield ee Waddanka Ingriiska. Xafladahan oo loogu dabaaldegayo Sanadguuradii Koowaad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ururka Waddani oo ku beegan 06/10/2012, ayaa ah xaflado in mudo ahba laga soo shaqaynayey aadna loo soo agaasimay, kuwaas oo la filayo inay noqon doonaan xafladihii ugu wanaagsanaa ee abid ka dhaca Waddankan UK.Xafladahan loogu dabaaldegayo sanadguurada Koowaad ee Ururka Waddani kana dhacaya UK, ayaa waxaa lagu martiqaaday oo goobjoog ka noqon doona xubno sar-sare oo ka tirsan Ururka Waddani, kuwaas oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Mudanayaasha Baarlamaanka S/land, ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi "Ciro", oo isaga iyo wafti balaadhan oo uu hor-kacayey soo gaadheen Waddankan UK maalintii Jimcaha ee taariikhdu ahayd 28/09/2012. Waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxda Ururka ee xafladan ka soo qayb geli-doona Mudane Mustafe A/llahi oo hore u ahaa Gudoomiyihii Ururkii Horyaal ee dhowaan ku soo biiray Ururka Waddani, kana mid ahaa waftigii la socday Gudoomiye A/rahman Ciro iyo weliba Saraakiil kale oo ka tirsan Ururka Waddani.Waxaa xusid mudan in xafladahan ay ka soo qaybgeli doonaan Faaniintii casrigan laga daba dhacay, heesahoodana aadka loo jeclaa, kuwaas oo idiinku raaxayn doona heesahoodii ugu dambeeyey, waxaana fanaaniintan oo aan halkan lagu soo koobi karin ka mid ah: Fu'aad Omar Yare, A/rizak Gaadaco, Xaawo Kiin, Farah Murtile, Himilo iyo qaarkale oo badan. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgeli doona qaybaha kala duwan ee warbaahinta gaar ahaana kuwa la iska arko oo Horn-cable Tv ka mid yahay.Xaflada London ayaa dhici doonta maalinta Sabtiga 06/10/2012, kana dhici doonta Addresskan Hoose: DIAMOND HOTEL,142 The Broadway West Ealing, London, W13 0TLSaacadaha: 18:00 - 23:59.Xaflada Shefield ayaa iyana dhici doonta Maalinta Axada 07/10/2012, kana dhici doonta Addresskan: St Paul's Hotel119 Norfolk StreetS1 2JESHEFFIELDSaacadaha: 16:00 - 20:00.Xafladahan oo ay ka soo qaybgeli doonaan taageerayaal badan oo ku nool Waddamada Yurub, ayaa waxay u furan yihiin oo ka soo qaybgeli kara dhamaanba taageerayaasha Ururka Waddani iyo Shacabka S/land ee ku nool UK, waxaana la idinku soo dhoweyn doonaa Gacmo Furan.Waxii akhbaaraad dheeraad ah kala xidhiidha Taleefoonadan hoos ku qoran:Mustafe: 07983 804940Kaltuun: 07846 973429Cabdalle: 07962 381905Mubaarak: 07828 529697.Afhayeenka Ururka Waddani UkQasim Aadan Saleebaan[email protected]