Mushkuladii ugu wayn ee haysata wasaarada biyuhu waa agaasimii guud ee ina Naakhaade kaas oo loo eryey tiriba sadex wasiir oo ayuhanibi ah iminka miciyaha.
Mushkuladii ugu wayn ee haysata wasaarada biyuhu waa agaasimii guud ee ina Naakhaade kaas oo loo eryey tiriba sadex wasiir oo ayuhanibi ah iminka miciyaha u soofaysanaya wasiirkan cusub ee Pro. xuseen cabdi boos. Sidaan inbadan maqlayey agaasimihan guud oo ku faana inuu buuro adag ku tiirsan yahay oo kala ah adeeradii siilaanyo iyo saleebaan gaal wasaarada biyahana aanuu weligii ka tagayn oo uu dhaafin doono cidkasta waxa uu bilaabay olole ka dhan inaanay heshiinayn in loo dhiibo wasiir dhulbahante ah. Hadaba waxa uu dagaalkiisii laban laabanlaabay kadib markuu ogaaday in wasiirka cusub ay isku reer yihiin wasiirkii hore isagoo raba dhamaan in laga kexeeyo dhulbahante wasaaradan waayo way fahmeen inay meeshani tahay guri uu iska leeyahay. Baashe Cali Jaamac waxa uu shaqada agaasinka wasaarada si ku meel gaadh ah ugu dhiibay nin la dhaho Maxamed Faarax oo ah nin ay isku reer yihiin ina naakhaade kaas oo ah aqoonyahay karti ku takhasusay mashaariicda biyaha iyo xidhiidhka haayadaha waayo aragnimana u leh hawlaha wasaarada biyaha Baashena si daacadnimo ah ula waday wasaarada markii ina Naakhaade ku noqday caqabad waxa kale oo uu ahaa ninkii isku maslixi jirin labadooda kana joojay Baashe mar uu damcay dhawr goor inuu shaqada ka joojo ina naakhuude. Maxamed Faarax iminka waxa uu wadaa dedaal dheeraad ah oo uu ku soo dhawaynayo wasiirka cusub xilka u kala wareejinayo Baashe iyo Xuseen Boos. Waxa dhacday inuu agaasimihii shaqada laga joojay qasayo wasaarada isagoo shaqaalihii kala qaybiyey xanibayana wax kasta oo shaqo ah oo ka socotay wasaarada. Waxa uu u isku dayey inuu xanibo shiidaalkii wasaarada si aan loo soo dhawayn wasiirka cusub xilkana loogu kala wareejin labada wasiir.Wasiirka cusubo waxa uu la wareegayaa wasaarada uu iska yeeshay ina naakhaade halkaas oo noqotay meel ka eryey wasiiro badan oo ay isku reer yihiin. Waxa ceeb iyo fadeexad ku noqonaysa wasiirka cusub inuu iska soo fadhiisto wasaarad uu shaqaalihii kala qaybiyey oo agabkii iyo xasuusreebkii wasaarada uu u rartay ina naakhaade gurigiisa. Waxa fadeexad ku ah wasiirka cusub meel ceebta intaa leegi ay dul hoganayso oo uu ka yahay ayuhanabi uu soo fadhiisto isagoo sheeganaya wasiir. Haday dhacdo in wasiirka cusubi ka hor imaado inuu meel mariyo waraaqihii uu shaqada kaga joojay ina naakhuude kuna magaabay maxamed faarax waxa uu waayi doonaa kalsoonidii shacab waynaha somaliland iyo tii dhulbahanteba wasaarada biyuhuna waxay ku danbayn doontaa meel ku fashilantay hawlaha ay qaranka u haysay. Taladan waxaan u jeedinayaa xukuumada somaliland waayo waxaa akhriyey qoraalkii uu baashe cali jaamac shaqada kaga joojiyey ina naakhaade markii aan baadhayna waxaan ogaaday waxaas uu ka sheegay oo dhami inay run yihiin.
Muna Cismaan (Muna Muuqdheer)