Qoys Ku dhaqan Malaagada Burco oo ay Arin Mucjiso ah Qabsatay.
Posted by abdi on December 18 2016 15:38:45

Qoyska oo ku dhaqan magaalada Burco ayeey soo food saartay arin dadka oo dhan ka yaabisay kaddib markii cunto kasta oo ay karsadaan isku badallayaan midabo kala gadisan.


Extended News

Qoyska oo ku dhaqan magaalada Burco ayeey soo food saartay arin dadka oo dhan ka yaabisay kaddib markii cunto kasta oo ay karsadaan isku badallayaan midabo kala gadisan.


Qoyskan ayaa markii ay gurigii waxba ka cuni kari waayeen waxay qaylo dhaan u dirsadeen culimadda magaaladda Burco si ay quraanka ugu akhriyaaan uguna soo duceeyaan iyagoo u maleeynaya in arintani tahay mid jin xiriir la leh.
Qoyskan ayaa ku dhaqan xaafadda Octobar ee magaalladda Burco waxaanay dadkii qoysku sheegeen in biyaha ay shubtaan iyo cuntadda ay karsadaan  isku bedelayaan midabo kale, waxaanay sheegeen in saddexdii cisho u dambeeyey arinta ka sii dartay, waxaana cutada loogu soo kariyaan guryahay kale ee jaarka la ah.
“imika illaa sadex cisho ayey hawshani socotay, laakiin muddo laba bilood ayaa hooyaday cuntadda aanu siinayno wax loogu darayey oo mar walba waanu daadinayey, markii dambe waxay gaadhay in cuntii oo dhan nooc kale isku bedelaan, markii aanu adkaysan kari waynay ee biyihii isbedelen, ee quraacdii iyo qadadii is bedeleen ee aanu cuni kari waynay ayaanu qaylo dhaan u dirsanay culimadda magaaladda si la noogu duceeyey meel la nooga yimidna garan mayno”ayey tidhi haweenay kamid ah dumarka guriga ku nool.
Iyadoo sii sharaxaysa waxay tidhi “Marxuumaddii guriga lahayd way dhimatay, bil iyo afar iyo toban habeen aniga, hooyaday  iyo Ayeydey ayaa ku noolaa, markii dambana walaashay ayaa usoo guurtay iyaduna way ku aragtay oo cuntaddii ayaa is wada bedelay cunto kasta oo la kariyaa nooc kale ayey noqonaysaa, shaahu wuu isbedelayaa, bariisku wuu isbedelayaa, caanuhu way is bedelayaan, cuntaddii saaka aanu dubanay qof nagama cunin oo guryo kale ayaa la noogu soo kariyey qaarkoodna hoteelada ayey wax ka soo cunayeen”.
“sharaabkii ama biyihii oo kale dhiig bay isku bedelayaan, cuntii oo dhan way is bedelayaan marka waxaanu u aragnaa mucjisoo rabaaniya oo ilaahay keenay” mid ka mid ah culimadii quraanka ku akhriyey guriga.
Arrintan ayaa mucjiso ku noqotay bulshada magaaladda Burco, kuwaas oo boqolaal dadweynaha ahi gurigii soo booqanayaan si ay indhahooga ugu soo arkaan.

Hargeysa Online