Waxaa xabaalo ku yaala xaafad-da Baranton ee magaalada Toronto lagu aasay Faysal Bashiir Xiis Khaliif oo u geeriyooday dhaawac loogu gaystay.

Waxaa xabaalo ku yaala xaafad-da Baranton ee magaalada Toronto lagu aasay Faysal Bashiir Xiis Khaliif oo u geeriyooday dhaawac loogu gaystay guriga uu ku daganaa isla magaaladaas sida ay shaaciyeen ehelada marxuumka. Faysal Bashiir oo ku dhashay magaalada Toronto ayaa ku jiray da’da 26-sano jirka waxaana sida la sheegay socda baaritaano la xiriira dilkan loo gaystay oo aysan wali boolisku cidna u soo qaban. Salaad-dii janaasada ee Marxum Faysal oo ka dhacday masjidka Khaalid Ibnu Waliid waxaa ka soo qayb-galay inta badan Somalida ku dhaqan magaalada Toronto oo ay horkacayeen culumaa’udiinka iyo xubno ka tirsan jaaliyad-da Somalida ee Canada. Shiekh Inshaar oo kamid ah culumada Toronto oo la hadlay dadkii ka soo qayb-galay aaska ayaa kula dar-daaramay dhalinyarada Somaliyeed in ay ku waana qaataan geerida ku timid Faysal ,isaga oo uga digay in ay ku geeriyoodaan Khaatumo xumo. “Waxaan rabaa inaan u mahad-celiyo dadkii ka soo qayb-galay tacsidii halkan ka dhacday , Faysal waxa uu dugsiga sare kaga baxay Toronto ,waxaana hadda uu ku jiray Jaamacad ,waxaan alle uga baryaynaa in uu janadii geeyo maadaama ay gacan ka xaq daran dishay “ ayuu yiri aabaha dhalay Faysal oo lagu magacaabo Bashiir Xiis Khaliif. “Aniga waxaan ku talinayaa in ay bulshadeena Soomaaliyeed isku yimaadaan ,kana hortagaan wax kasta oo dhibaatadan oo kale keeni kara “ ayuu yiri Bashiir oo sidoo kale tacsi u diray wiil lagu garab aasay Faysal ,kaasi oo isna lagu dilay gudaha Canada todobaad ka hor. Ugu danbayn, Qaar kamid ah Somalidii ka soo qayb-galay duugta oo dareenkooda cabiray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay beegsiga lagu hayo dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dalka Canada ,waxaana dilkan uu ahaa kii afaraad oo muddo tobaadyo ah ka dhaca Canada.