Daawo Wareysi aanu ka qaadney musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Via Skpye
Posted by abdi on December 30 2016 01:22:29

Waxaan wareysi dhinacyo badan taabanaya ama siro badan banaanka soo dhigey musharaxa xisbiga kulmiye Muuse biixi abdi wareysiga.


Extended News

Waxaan wareysi dhinacyo badan taabanaya ama siro badan banaanka soo dhigey musharaxa xisbiga kulmiye Muuse biixi abdi wareysiga waxaa qaaday Tifatiraha Shabakada iyo Radioga Hargeysa Online ay xarunteedu tahay New York ee Wadanka mareykanka Eng Kamal Mohamed Ali, Wareysigan ayaa aad u dheeraa waxaanu ka soo qaadaney dhowr qodob oo Hor Udhac ah.

Muuse biixi ayaa sheegay in uu ku soo bixi doono doorashada Somaliland dhawaan ka dhicidoonta, isagoo sabab uga dhigey in uu kala jabiyey xisbigii Ucid ama uu ka qeybkaatay kala jabka iyo burburintaa xisbigaasi.


Waxaa kaloo uu carabka ku dhuftey in Xisbiga Kulmiye yahay xisbiga kaliya ee awood buuxda leh dhankaste oo uu ku sheegay in ay isagu yimaadeen aqoon yahanno iyo maalqabeenada dalka  waa sida uu hadalka u dhiga e'

Mar aan wax kaweydiiney  xisbiga Wadani , wuxuu noo sheeqay in ay isagana faraha kula jiraan Xisbiga Wadani sidii ay u burburin lahaayeen wuxuu intaas ku daray in ay jiraa shaqsiyaad ay u direen in ay hada ku biireen xisbiga Wadani kuwaasoo ah magac-cuyaal laakiinse shaqada loo direy ay tahay oo kaliya in ay kala tuuraan Xisbiga Wadani.


Mar aanu wax ka weydiiney in uu wax nooga sheego cida ay yihiin shaqsiyaad kaasi wuxuu markiiba carabka ku dhuftey wasiirkii hore ee madaxtooyada xirsi xaaji cali xasan iyo sedex xubnood oo uu ka gaabsadey in uu sheego magacyadooda.

Wareysigan oo dhameystiran waxaad kala socon doontaan Shabakada Hargeysa Online saacadaha soo socda isagoo Video Ah  Haduu Alle Idmo.

 

Hargeysa Online.