Qarax maanta ka dhacey mogdisho ay ku dhinteen 9 qof.
Posted by abdi on June 22 2017 14:34:18

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.


Extended News

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

201762263633717876171059432.png

201762263633717918917396312.png

2017622636337184020281894655.png

2017622636337184109152579capture.png

2017622636337184318880276qaraaa.jpg

Ilaa Sagaal ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qaraxa halka tiro  ka badan 15 ruux kalana ku dhawaacmeen kaddib markii gaariga weerarka geystay lagu dhuftay ilinka hore ee saldhiga.

Dadka dhintay waxaa ku jira dad wadada marayay oo ay haween ka mid ahaayeen iyo qaar ka mid ah ilaalada saldhigga.

Qaraxan ayaa dhacay maalin kaddib markii weerar culus oo ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Wadajir oo ay ku dhinteen tiro ka badan 20 ruux.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa  wali ku howlan qaadista dadka wax yeellada ka soo gaartay qaraxa maanta.

 

Hargeysa Online