Fariin ku socoda wasiirka cayaaraha[ dayac tirka garoonka hawlwadaag stadium waa mid u baahan in la dhamaystiro.
Posted by xaaji on October 15 2012 02:11:18
Kubada  cagta  oo ah  maanta  mid si  wayn looga qadariyo dalkeena somaliland
dhaliyaraduna ay aad u xiiseeyaan , runtiina  aan odhan karo waa qaybta ugu
sumcada badan ama ugu qaalisan ee dhalinyarada maanta xiiseeyaan
 
Waxaan xasuustaa tartankii cayaaraha gobalada ee lagu qabtay caasimada
gobolka togdheer ee BURCO siday saamayn wayn ugu yeelatay  dadka qurbaha
 ku nool  GAAR AHAAN dalka ingriiska oo aan ku daawanaaayay tartankaa
asaga ah oo ahaa mid si habsamiya loo qabtay.
 
Waxa inta badan dadka cayaaraha kubada cagta xiiseeya ee ku nool  dalka uk
ay daawadaan kooxaha dalka ingriiska  waxaanay kala taageeraan naadiyada
dalka ka jira
manchester united , arsenal iyo liverbool ayaa ah kooxaha ugu caan san ee
shacabkeenu kala taageero.
 
Hasa yeeshee waxa markaliya  na saamaysay tartankii ugu danbeeyay ee cayaaraha
gobolada  somaliland ee lagu qabtay magaalada burco caasimada labaad ee s/land
waana markii ugu horaysay ee aanu si toosa ugu xidhano cayaaraja gobolada
waxaa xasuus mudan sidii xamaasada lahayd ee shacbka uk ukala taageereeyeen
gobaladii ku tartamayayay  cayaarahaa kubada cagta.
 
Waxaana mar kaliya quluubta shacbigeena ka baxday  arsenal iyo manshestar
oo aanu mudo badan ka sheekaysan jirnay
resturanada wax laga cuno iyo goobaha laysugu yimaado ayaa waxa lagu falanqaynayay
gobolka ku guulaysan doono tartankan lagu qabtay magaalada burco
 
Gobolka hawd  oo ahaa  kii ku guulaysatay  tartankii gobalada   ayaa dad badan oo
qurba joogi  magaciisa barteen maadaama uu ahaa gobol cusub oo kusoo biiray
dhawaan goboladii   maamulkii udub uu sameeyay ee uu hogaaminaayay
mudane daahir riyaale kaahin oo ahaa madaxwaynihii hore ee somaliland
tartankaa oo labada gobol ee isugu yimi cayaartii kama danbaysta
oo kala ahaa gobolka hawda oo guushu raacday iyo gobolka maroodijeex
oo uu tababare u ahaa  cayartoygii  hore ee gobolka waqooyi mudane diridhaba
oo guuldaradu raacday iyaga iyo daayeerkii taageerada la barbar joogay
oo la sheegay kaliya inuu iman jiray maalinta  maroodijeex cayaarayso[cajib]!!!!!!!
 
DULUCDA QORAALKA
Hadaba dulucda qoraalkaygan ayaa wuxuu yahay codsi aan u diraayo
wasiirka dhalinyarada iyo  cayaaraha
waxaanan ka codsanayaa in GAROONKA hawlwadaag stadium  la dayac tiro
maadama uu yahay garoonka ugu wayn ee dalkeena ku yaala
walibana uu yahay mid ku yaala caasimada dalka somaliland HARGAYSA
 
Waxaan wasaarada cayaaraha iyo sportiska ku dhiirinayaa inay garoonka
wayn ee hawlwadaag staadium ku tabarucaan ROOG  lagu  dheelo
oo midabka greenka wata sida aduunwaynaha badiya laga isticaamlo
akhristoow  hadaad  xasuusato dhamaan dhalinyaradeeni ku cayaari jirtay
garoonka wayn  ee hawlwadaaag stadium  waxa garoonku ahaa mid
DIRIYA oo aan xataa ahayn ciid sida  garoonka magaalada BURCO 
 
DHalinyarada kubada cayaarta  ayaa garoonkan ciidiisu  DIRI tahay
dhib kala kulma oo haday dhacaan ama  cayaartoy kalaba qaado
ama jalaafaba loo dhigo ay  dhibi kaa soo gaadhaa   maadama garoonku
yahay mid ciiida taala  ay tahay mid diriya ama adag
 
Sidaa daraadeed waxaan ka codsanayaa in bilicda  garoonka la dhamaystiro
waxa hore fikradan usoo bandhigay mid ka mida cayaartoygii dalkeena
ka cayaari jiray cayaaraha gobalada MUDANE  CABDI SICIID [DHAYLO]
kaas oo si habsamiya fariin ugu soo bandhigay wasiirkii hore ee  cayaraaha
somaliland.
nasiib darose fikradaasi may noqon mid  wasaarada cayaaruhu il gaara ku eegto
ama hirgasha.
 
DHawaan ayaan la kulmay cabdi siciid dhaylo oo fikaradan hore
usoo bandhigay  waxaanan ka wada hadalnay sidii loo hirgalin lahaa
fikradaa uu hore usoo jeediyay oo bal maamulka dawlada iyo wasaarada
cayaaraha lagu wargaliyo inay DAYACTIRO garoonka wayn ee hawlwadaag stadium
laguna qurxiyo roog cagaara oo bilic wanaagsan.
 
Sidaa daraadeed waxaan dhamaan inta xiisaysa cayaaraha kubada cagta ku boorinayaa
inay tayactirka garoonka hawlwadaag stadium taageero ka gaystaan
kuna  dhiiri galiyaan in wasiirka  cayaaraha iyo  gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta
 in ay garoonka dayac-tiraan lagana dhigo  MID LAGU GOGLO ROOG LAGU DHEELO KUBADA CAGTA.

Taasina waxay keenaysa in  garoonka hawlwadag ka mid noqdo garoomada caalamiga ah
waxa kale oo ay niyada u dhisaysaa dhalinyarada  kubada cagta cayaara
waxa kale oo mustaqbalka ay inoo noqnaysaa  meel aduunyada kale  lagu soo dhaweeyo
hadiiba ay inoo suurto gasho inaynu la yeelano cayaar saaxiibtinimo  sida wadama jaarkeena
eyhiopia iyo jibuuti oo kale oo garoon CUNTAMAYA oo laynaga qaato aduunyada tusi karna
 
Hadiise uu garoonku yahay diridan adag  cid aynu ku casuno daayo dhalinyaradeena
ayaan kuba  dheeli karin cayaar wanaagsan  dhawacna ka soo gaadhi karaa
taasina waxay  horseedaysaa in  qaar ka mida dhalinyarada dhaawac gaadho
sidaaana  lagaba yaabo inay ka fadhiistaan inay ka qayb qaataan cayaaraha  lagu qabto dalkeena hooyo.

wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
[email protected].uk
london uk