Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray saldhigga military oo dowladda Turkiga ay ka hergalisay magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray saldhigga military oo dowladda Turkiga ay ka hergalisay magaalada Muqdisho.


Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka kala socday Turkiga iyo Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyay taliyaha Ciidamada Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan.
Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badan 1,000 askari oo lagu tababari doono xerada.
Saldhiga ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada military -ga Turkiga oo wata gaadiidkooda gaashaaman.
Hargeysa Online