Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Teed oo 30 Km u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Teed oo 30 Km u jira degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal saacado dhowr ah qaatay kaddib xoogagga Al-shabaab u suurtagashay in ay la wareegaan deegaanka.
Al-Shabaab ayaa war soo dhigen bogga Internet –ka waxaa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Teed oo kala qeybiya degmooyinka Ceel-barde iyo Xudur ay ku qabsadeen gaadiid sidoo kalena ay la wareegeen.
Wali lama oga khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay dagaalka dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.
Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa dhinacooda wali wax war ah ka soo saarin dagaalka iyo sheegashada Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen deegaanka Teed.
Hargeysa Online