Madax dhaqameedka Beelaha Habarjeclo iyo Habar-awal oo maanta magaaladda Burco kaga dhawaaqay inay u Codaynayaan Musharaxiinta Kulmiye.
Posted by ifraax on October 08 2017 15:14:48

Salaadiinta Beelaha Habar-jeclo iyo Habar awal oo beryahanba shirar uga socdeen magaalo madaxada Togdheer ee Burco ayaa maanta xafladd balaadhan oo ay ku qabsadeen...


Extended News

Salaadiinta Beelaha Habar-jeclo iyo Habar awal oo beryahanba shirar uga socdeen magaalo madaxada Togdheer ee Burco ayaa maanta xafladd balaadhan oo ay ku qabsadeen Hotelka City Plaza kaga dhawaaqay inay ku Heshiiyeen inay Codka siiyaan Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan Saylici.

 
Suldaanka Guud ee Beelaha Habar jeclo Suldaan C/laahi iyo Suldaanka Guud ee Habar Awal Suldaan Xasan ayaa madal ay goob joog ahaayeen kun qof oo ka soo kala jeeda Madax dhaqameedka labada Beelood ku kala guddoomay balanqaadka ah in ay labada Beelood u coddayn doonaan Musharaxiinta Kulmiye ee u Tartamaysa Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.
Xafladda labada Beelood ku qabsadeen Burco waxa lagaga dhawaaqay inay labada Beelood si wadajir ah cod uga raadsadaan Beelaha kale ee Somaliland si ay taageero ugu raadiyaan musharaxiinta Kulmiye.
Kulamadii gaar gaar ka ahaa ee labada Beelood yeesheen ayaa lagu go’aamiyey inay Beesha Habarjeclo Musharaxa Kulmiye ula tagi doonto in uu ku soo wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga marka uu talada qabto.

 

Hargeysa Online