Taliyihii ciidamada xoogga dalka oo is casilay wasiirkii gaashaandhiga kadib.
Posted by abdi on October 12 2017 15:24:00

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in uu is casilay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid)


Extended News

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in uu is casilay taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedela.


Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Jen. Cabdiweli Jaamac Xusseen Gorod oo loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa wasiirkii dekedaha dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xassan

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jirta hadal heyn la xiriirtay is casilaada taliyaha oo xilka uu u magacaabay madaxweynaha Farmaajo Bishii April ee sanadkan.

 

Hargeysa Online