Dad ka badan 20 ruux oo ku dhimatay qaraxii Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Posted by abdi on October 14 2017 14:06:03

Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga wada maqlay magaalada ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Extended News

Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga wada maqlay magaalada ayaa lagu waramayaa in uu ka dhashay khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar soo baxaya sheegaya in qaraxa lagu bartilmaameedsaday Hotelka Safari ee KM 5 gaar ahaan Isgoyska Zoobe oo ah goob aad u mashquul badan.

Wali waxaa la maqlayaa rasaaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, sidoo kale waxaa goobta gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay wax yaaladu soo gaartay.

Dab xoogan ayaa sidoo kale ka kacay agagaarka Isgooska Zope gaar ahaan goobo shidaalka lagu iibiyo, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada amaanka kuwaa oo u gurmanaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

201710146364357303378703701-22.jpg

201710146364357304939397542-16.jpg

201710146364357307041581562-15.jpg

201710146364357307929086673-14.jpg

201710146364357310034031995-4.jpg

201710146364357375709580321-12.jpg

2017101463643573785517261222448098_10214248868320676_3235339036707752095_n.jpg

 

Tirada dhimashada  ayaa lagu waramayaa in ay ka badan tahay 20 ruux, inkastoo dadka qaar ay ka hadlayaa tiro aad u badan oo u baahan in la hubiyo.

 

 

Hargeysa Online