Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe
Posted by ifraax on November 11 2017 14:44:41

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in duqeyn xalay ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.


Extended News

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in duqeyn xalay ay halkaa ka geysteen diyaarado dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.


Taliyaha 12-April ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Cumar Xassan Aadan (Cumar dheere) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaadeesaday dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab xili ay ku shirsanaayeen deegaanka la weeraray.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in illaa 13 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab iyo saraakiil lagu dilay duqeynta.

Deegaanka Barsa ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamaya ciidamada iyo kuwa Al-shabaab,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in ay waddaan qorshe Al-shabaab looga saarayo saldhigyada ay ku leeyihiin labada gobol Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

 

Hargeysa Online