Xisbiga Waddani Maka Qayb Galaya Xaflada Dhaarinta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland.
Posted by ifraax on December 11 2017 14:34:29

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay in lagu marti-qaaday oo ay ka qayb-galayaan Munaasibadda lagu Caleemo-saarayo.


Extended News

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay in lagu marti-qaaday oo ay ka qayb-galayaan Munaasibadda lagu Caleemo-saarayo Madaxweynaha la doortay iyo in kale.
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya ka qayb galka xaflada dhaarinta madaxweynaha cusub ayaa waxa uu yidhi “Annagu maanu Qorshaysan (Inaanu ka qayb-galno) iyaguna nagumay casuumin (Xafladda Dhaarinta Madaxweynaha), markaa wax Qorshe oo hadda nooga yaallaa ma jiro, laakiin Mustaqbalka waxaanu u daynaynaa Wakhtigiisa.”ayuu yidhi hogaamiyaha oo u waramay hctv.

Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay inay socoto daraasad lagu samaynayo sababahha keenay in xisbiga Waddani guul ka gaadhi waayo doorashadii madaxtooyada ee dalka

ka dhacday waxaanu yidhi “Maanu Guul-daraysan ee waxaanu gaadhi waynay waxaanu doonaynay oo ahayd inaanu Talada Waddanka qabano, taasina waa wax loo tartami karo, markaad tartamayso in waxaad doonaysay aad gaadho iyo inaad Gaadhi waydo labaduba waa Suurto-gal, sababo badana way jireen, waana laga yaabaa, wayna jiraan waxyaabo aanu tirsanayno oo ay ka mid tahay inay Doorashada Gacmo-shisheeye soo galeen, laakiin haddii aanu aqbalnay wixii ka soo baxay wixii hore waxba dib ugu noqon maayo, balse Waxa socda Deraasad uu Xisbigu ku samaynayo maxaa keenay inaynu Xisbi ahaan gaadhi wayno (Guusha), maxaase hoos u dhigay Filashadeenii iyo maxaa ku soo kordhay Doorashada, waana markii ugu horreysay ee uu yimaaddo Wer-wer ah in Gacmo-shisheeye ina soo galeen. Ka hor-dhici maayo oo odhan maayo Hebe ama reer Hebel bay ahaayeen, laakiin Guddiga loo saaray War-bixinta ay soo saaraan ayaanu sugaynaa.”ayuu yidhi hogaamiye Xirsi.

Hargeysa Online