Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada.
Posted by abdi on December 14 2017 14:19:05

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay xubnihiisa golaha wasiiradda maalin kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha.


Extended News

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay xubnihiisa golaha wasiiradda maalin kaddib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha munaasabad shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada.

Golaha wasiiradda cusub ayaa waxaa ka dhax muuqda oo dib u soo noqday Afar Wasiir oo horey uga tirsanaa xukumadii Siilaanyo kuwaa oo kala ah,Dr Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare Wasiirkii Deegaanka Somaliland, iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo loo magacaabay Wasiirka  Waxbarashada, laakiin horay u ahaa wasiirka arrimaha Gudaha

201712146364883008461560711v8a0384-16.jpg

20171214636488294708932976somali1.jpg

20171214636488294964586791somali2.jpg

20171214636488295251620609somali3.jpg

 

Hargeysa Online