Nin caan ka ahaa baraha bulshadda oo qabay Xanuunka Dhimirka ayaa Hargeysa maanta lagu xiray
Posted by abdi on December 18 2017 15:10:09

Cabdiraxmaan Xaaji  Dabcasar oo ah nin caan ka ah baraha bulshadda oo xanuunka dhimirka maskaxda qabay ayaa maanta lagu xidhay magaaladda Hargeysa.


Extended News

Cabdiraxmaan Xaaji  Dabcasar oo ah nin caan ka ah baraha bulshadda oo xanuunka dhimirka maskaxda qabay ayaa maanta lagu xidhay magaaladda Hargeysa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu afgalaadooyin ku kacay.


Dabcasar oo ah nin qurbo jooog ah,isla markaana ku nool wadanka Maraykanka ayaa caan ku ah baraha bulshadda, inta badana si toos ah usoo galla aaladda Facebooga loo yaqaan, waxaana lagu eedeeyey in uu afgalaadooyin uu u gaystay dad badan loo haysto.

Maalmihii u dambeeyey ayuu Xaaji Dabcasar joogay magaaladda Hargeysa, waxaana lagu arkayey meelaha dadku ku kulmaan isagoo lagu xoonsan yahay oo la isku Sawirayay.

“Dabcasar waxaa lagu haysta aflaadooyin uu ku kacay, waxaana la hor gaynayaa maxkamadda, hadii uu qofku dad aflagaadeeyo ama wax sharciga ka baxsan ku dhaqmo ama Somaliland ha ahaato ama soomaaliya ha ahaadee ninna sharciga kama weyna ee waxaa la hor gaynayaa sharciga”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis.

Hore sidan oo kale waxa loogu xiray magaaladda Hargeysa nin isna baraha bulshadda caan ka ahaa oo la odhan jiray  Janan Oogo oo ka yimid wadanka Sucuudiga, waxaanu Janan oogo aflagaadeeyey garsoorka oo ku sheegay isagoo live ku jira inay laaluush qaataan, markii maxkamadda la geeyeyna waxa lagu xumumay hal sanno oo xadhig ah oo aan iib iyo damiir lahayn.


Hargeysa Online