ODAY DHAQAMEEDO waa in ayna soo xulin Musharixiinta Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka.
ODAY DHAQAMEEDO waa in ayna soo xulin Musharixiinta Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka.

Marka hore waxaan u hanbalyaynayaa Xukuumada Cusub ee fulisay balan qaadkii ahaa in ay xukuumad kooban soo dhisi doonto. Waxaan kale oon u hanbalyaynayaa golaha wasiirada cusub. Waxaanse Siyaasiyiinta iyo ummada Somaliland aan doonaya in ay fahman in aanu quba-joogtu duulan ku ahayn, lakiin uu dalka u bahan yahay aqoontooda iyo way-aragnimada. Somaliland waxay leedahay aqoon yahano badan oo qurbo-joga oo aqoon iyo way-aragnimo ay muda dheer ku kasbadeen leh. Waa dhab in qurba-joog badan oo dalka ku soo noqday iyo kuwa xukuumaddii hore la shaqeeyay ay sumcad xumo u soo jiideen qurbo-joogata. Dalna huru mar ma gaadhi karo, haddii aanu ka fa’iidaysan dadka ugu aqoonta iyo wayo aragnimada badan. Dad aqoon leh oo la adeegsado ma ah oo kaliya waxa dal horumar ku gaadho. Lakiin, aqoon iyo waya aragnimada laga koradhsado dalalka horumar gaadhay, waa faa’iido loo bahan yahay, haddii la doonayo inuu dalku horumarka gaadho.Haddaba, haddii aan u daa-dago ujeeda aan qoralkani kaga hadlayo oo ah CAQABADAHA SOMALILAND HOR YAALA. Qoraal kaygii hore waxaan kaga hadlay sida wax looga qaban karo qabyalada iyo Xusbiyada (siyaasada) isku milmay. Caqabada ugu wayn ee xukumada Muuse Biixi hor tahala waa sida Ummada Somaliland ee olalaha doorashada ku kala qayb samay loo midayn lahaa. Midaynta ummada Somaliland waxay imanaysaa marka Xusbiyada Qaranku la dhiso. Si Xusbiyada Qaranku u noqdan kuwa cid ama beel(beelo) u xidhnayn, ee qofkasta xusbiga uu doono tageeri karo, iskana sharaxi karo.Haddaba, qoralkani waxaan doonaya in aan kaga hadlo caqabad kale ee Somaliland wajahayso, ee ay tahay in ay iska ilaaliso.Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka waxa la filayaa in la qabto sanadka soo sacda (HEY). Golaha Wakiiladuna waa Waaxda Shaci dajinta dalka, oo ka mida saddexda Waxood eey Dawlada Somaliland ka kooban tahay.Masiibooyinka Somaliland ku habsatay waxaa ka mid ah, in Golaha Wakiilada ee la doortay, ee loo han waynaa in ay fadhiid noqdeen. Haddaba, haddii musharaxiinta Golaha Wakiilada ay soo xulan Oday dhaqameedo, ama laga soo xulo marfishyada lagu qayilo, siddii Golaha Deganka oo kale. Waxaa qaranka Somaliland u noqon doonta ayaan daro. Waayo, Golaha Wakiilada eey odayaal dhaqameedo soo xulaan waxuu la mid noqon doona Golaha Deganka ee lagu qasaaray.Maanta Somaliland waxaa leedahay cadaw badan. Cadawga Somaliland waxuu guulaysan karaan haddii Golaha Wakiiladu uu noqdo kuwa fadhiida oon waxba qaban ama la iibsan karo.Oday dhaqameedadu ma fahansana mihiimada Golaha Wakiilada uu qaranka u leeyahay. Musharaxiinta soo xulaan ma noqon doonaan kuwa ka taliya danta Qaranka Somaliland, waxay noqon doonan kuwa aan ka soo baxi Karin hawsha loo igmaday oon u qalmin shaqadani.Haddaba, dadka doonaya in Oday dhaqameeda soo xulan Golaha wakiilada, waa dad doonaya Gole Wakiilo oo iyaga u shaqeeya. Kuwa Gole Wakiilo ooy ku adeegsadan raba, waxaa ka mida ah:
Maal qabeenada Somaliland/Somalia
Tijaarta Somalid badan koodu, waxaa kaliya eey fahman waa sidii ay hanti badan u heli lahaayeen, Xalaal iyo Xaaran toona ma eegan. Waxay xalaashadan boobka Hantida qaranka. Waxay raban in ayna cashuur bixin. Waxay raban in “monopoly” wax kasta loogu xidho. Waxaa raban in ay dhacan dadka masaakiinta ah.Haddaba, si ay ujeedooda u gaadhan waxaa ku dadaalayaan in ay helaan siyaasiyiin iyaga u shaqeeya, oo lacag ku iibsan karan. Sida daradeed, Tijaartu waxay laaluushi doonan oday dhaqameedada Beelaha, si ay ugu soo xulaana Gole Wakiilo oo iyaga u shaqeeya, lakiin aan u shaqaynin dadka u-codeeyay.
Ururada xagjirka ah Maanta calamka Muslimiinka ah waxaa ku soo kordhay ururo diimeedyo si qaldan u isticmaala Diinteena Islamka ee fiican. Ururadani oo haysta dhaqaalo badan, waxay ku kharash garayn doonan Oday dhaqameeda si ay Gole Wakiilo iyaga ku xidhan ugu soo xulan.Ujeedada ururadani xagjirka ah waa siday fikaradni qaldan gobalka ugu fidin lahaayeen, dagaalna ugu qaadi lahaayeen dalalka jaarka ah.Dalal ajaanib ah.Gees-ka Afrika waxuu noqo day bugcad ‘Strategy’ u ah dhaqaalaha iyo nabadgalyada caalamka. Sida daradeed waxaa dalalbadan doonayaan in ay hantiyaan, waxaanay diyaar u yihiin in ay dhaqaalo badan ku bixinayaan. Habka Dimuqradiga ee shicibku dooranayo Golaha Wakiilada ee iyaga matalayaa, waa habka dawladnimo ee ugu fudud ee cadawgu ka faa’iidysan karo, haddii ayna dadka ilaashan. Haddaba, dalalkani waxaa lacag galin doonan in ay helaan siyaasiyiin Somaliland ah oo iyaga u shaqeeya. Sida kaliya eey tasi ugu suuro gali kartaana waa iyaga oo hela Gole Wakiilada ooy soo xushaan. Haddaba, sida ugu fudud eey dalalkani ku afduubi karaan Somaliland waa iyaga oo hela Gole Wakiilo oo iyaga u adeega. Oday dhaqameedaduna waxay noqon doonaan albaabka ay ujeedooda ka fushaan.Xusbiyada Qaran waa in ay ka foojignada khatarta ay leedahay musharaxiinta Golaha Wakiilada ee ay soo xulan oday dhaqameedo masaakiina oo lagu adeegsanayo sida dan gaara looga gaadho.Sida daradeed, Xusbiyada Qaranka, oo la kashanaya aqoon yahanada degaanka/Beeluhu waa in soo xushaan Musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka. Lakiin Oday dhaqamadeedu waa in ayna marnaba soo xulin. Mar Gudoomiye xusbi la waydiiyay waxa u ogalaadan musharaxiinta ay oday dhaqameedadu u soo xulaan, waxaa ku jawaabay:Haddii aanu ogalaan wayno musharaxa oday dhaqameedu wataan, waxay noogu hanjabayaan in ay tageeradooda xusbi kale ku wareejin doonan. Sidaa daradeed, waanu ku qasban nahay musharaxiinta ay oday dhaqameedadu wataan.Haddaba, doorashadani Madaxtooyada degmo/beel-kasta waxay tageertay Xusbi gaara. Sida daraadeedna, musharaxa xusbigu soo xulaan degmo/Beel-kasta way ku qasban yihiin in ay tageeran, oday dhaqameedaduna hadal kama soo celin karan.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR A. YOUSUF
OAKLAND, CALIFONIA
DANTA QARANKA SOMALILAND (SOMALILAND FIRST)WWW.SOMALILANDFIRST.COM