War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland.
Posted by abdi on January 15 2018 07:09:22

War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan diginin madaxadhaqameedka caadaystay.


Extended News

War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan diginin madaxadhaqameedka caadaystay hadallada xanafta leh iyo kala qaybinta bulshada waalaha ah ee reer Somaliland.

 

Ku: Golaha sharcidejinta wakiillada bulshada Somaliland.

Og: Golaha guurtida .

Og: Ciddanka qaranka

Ujeeddo:Digniin kama baaq dheer ah.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

 

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

 

Annaga oo ah odayaasha kor ku xisan waxaanu ka tiiraanyeysannay.

Hadallada ka soo yeedhaya madaxdhaqameed qaarkood kuna tiraabaya dagaal ay u horseedayaan shacabka walalaha ah ee horeba xalladada adag jiray una baahanayn dagaal isku dhac,filiqtan iyo dhibaato kuna naalloonaaya nabaddooda ay jidka dheer u soo mareen.

Waxaannu u sheegi lahayn hay,adaha aannu magacdhawnay.

In ay nala qaataan talooyinkan hoose.

  1. In cidkasta oo bulshada kala qaybinaysa sharciga la hor keeno .
  2. In aanay bulshada walalaha ahi u dheg taagin cidkasta qarannimadooda ka hor imanaysa.
  3. In ay madaxdhaqeedku ku koobnaadaan nabadda ay cumaadda u sitaan una horseedin shacabka reer Somaliland dhibaato  ay madaxdhaqameedku ku suntanaadaan.
  4. In aanay madaxdhaqmeedku sharciga dalka tuurta ku qaadan.
  5. In cid kasta oo waddanka Khalkhal galinaysa aan loo dul qaadan.

     

    Haddii aad tahay madaxdhaqameed cumadda sharfteeda ilaali

    Beeshalaha waxaa waajib ku ah in ay kala noqdaan caaqil ama suldaan habawsan kalsoonida ay siiyeen si aanu ceeb ugu soo jiidin.

haddii aan qaran jirin dalkuna qiima yeelan maayo jegaannina jirimayso

Allah ayaa mahad leh innaga dhigay bulsho muslimiin ah oo wanaagga u halgama xumaantana iska reeba dalkoodana ilaashada

Deeq Cabdi Digale