Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay weerar ku qaadeen iskuul la sheegay in ururka al-Shabaab.
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay weerar ku qaadeen iskuul la sheegay in ururka al-Shabaab uu ku tababaro caruurta.
Howl-galkaasi oo ka dhacay tuulada Jameeca Jillay oo u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa ciidamadu ay ku soo bad-baadiyeen in kabadan 30 caruur ah.
Dadka deeggaanka ayaa Hargeysa Online u sheegay in ugu yaraan 10 qof oo 4 ay caruur yihiin ay ku dhinteen weerarkaasi.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamo Maraykan ah ay sida hadalka u dhigeen ay “xasuuqeen” caruur iyo macalin, kadibna ay caruur kale qafaasheen.
Haddaba, Falastin Axmed Iman, ayaa khadka taleefonka ku wareystaya mid ka mid ah dadka deeggaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.
Hargeysa Online