TACSI KU SOCOTA QOYSKII MARXUUM C/LLAHI SICIID DHEERE.
Posted by xaaji on October 17 2012 18:55:30

Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Kan dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Ururka Waddani laantiisa UK, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, Xubnaha iyo taageerayaasha Ururka Waddani meel walba oo ay dunida ka joogaan iyo dhamaanba shacabka S/land, Waxaanu uga tacsiyeynaynaa geeridii naxdin lahayd, ee ku timid ILLAHAY ha u naxariistee Marxuum C/LLAHI SICIID DHEERE oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii 3aad ee Ururka Waddani, kuna geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, ILLAHAY SAMIR IYO IIMAAN HA IDINKA SIIYO.


Waxaan shaki lahayn in marxuumku ku sifaysnaa Alle ka cabsi, Nabad jecayl, Samir iyo Dulqaad.


Waxaanu marxuumka Illahay uga baryaynaa Dembi dhaaf iyo inuu Janooyinkiisa macaan uga dhigo Hoygiisii runta ahaa ee uusan ka guurayn kana geeriyoonayn.


Waxaanu sidoo kale xubnihii ku dhaawacmay shilkana Illahay uga baryaynaa inuu caafimaadkoodii u soo celiyo, dhaawacyadoodana u fududeeyo.


Aaaaammmmiiiiiinnnnn..... Aaaaammmmiiiiiinnnnn..... Aaaaammmmiiiiiinnnnn.

 


Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
[email protected]