Maxaabiis laga keenay Hindiya oo Muqdisho laga soo dajiyay.
Posted by ifraax on March 04 2018 14:42:40

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay 76 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo laga keenay dalka Hindiya.


Extended News

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay 76 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo laga keenay dalka Hindiya, kuwaa oo noqonaya qeybtii labaad maxaabiis laga keeno dalkaas.

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweeyay maxaabiistan garoonka diyaaradaha.

Bishii Janaayo ayeey aheyd markii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho 41 maxaabiis ah oo dib looga soo cecliyay dalka Hindiya.

201834636557520942652005p3047060.jpg

201834636557522443656122p30470851.jpg

201834636557522965807159p30470881.jpg

201834636557525441039737p3047072.jpg

Ciidamada Hindiya ayaa dadkan ka qabtay xeebaha Soomaaliya toddoba sano ka hor, waxaana markaasi kaddib la geeyey magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya waxaana lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Saddex ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay horey xabsiyada waddankaasi ugu dhinteen.

Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn isugu howshay soo daynta maxaabiista Soomaalida iyadoo horey maxaabiis looga soo daayey dalka Itoobiya, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay inta badan bulshada Soomaaliyeed.


Hargeysa Online