Farmaajo oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Qatar.
Posted by ifraax on April 21 2018 14:24:22

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo.


Extended News

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa safiirkeeda cusub u soo magacowday dalka Soomaaliya waxaana maanta si rasmi ah looga guddoomay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo.


Xasan Xamsa Asad, Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa lagu qaabilay madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu ka guddoomay warqadahiisa aqoonsiga.

Safiirkan ayaa la sheegay in awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar.

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeyso xulufada Imaaraatka iyo Qatar ayaa u muuqata mid saameysay siyaasadda Soomaaliya.

 

Hargeysa Online