Waxaynu ognay jabhaddii xaraynta dalka barakaysan ee jamhuuriyadda Somaliland ee SNM Somali national movement dhaqdhaqaaqa qaranka Somaliyeed.
Sannadihii 1978-1979
Waxaynu ognay jabhaddii xaraynta dalka barakaysan ee jamhuuriyadda Somaliland ee SNM Somali national movement dhaqdhaqaaqa qaranka Somaliyeed.

Waxaa jirtay oo shacabka reer Somaliland ka dadan intooda badan gaarahaan dhallinyarada warbaahintana aanan ku arag jabhadihii iyaguna xoraynta dalka kuwaas oo ahaa. jabadihii xoraynta Somaliland
Dagaalkii dawladdii ay la gashay Somaliya dalka itoobiya sanadkii 1977
Ka dib markii ciidankii Somaliyeed wax badan dib u riixay ciidankii itoobiya cadaadis kaga yimi ciidankii somaliyeed dawladaha dibadaha waxaa Khasab ku noqotay in ciidankaasi dib uu soo noqdo waxaase amarka dib u soo noqoshada ka horyimi 10,kun oo ciidankaas ka mid ahaa kana soo jeeda jiidda dagaalku ka dhacay ee dhulka ogaadeeniya ama (reserved area aagga loo qoondeeyey) oo hubkoodii wata .taasina
Waxayse cabsi gelisay kalidii taliskii maxamed siyaad barre wuxuuna go,aansaday in jiidda dagaalku ka oognaa ee dalka Somaliland uu hubeeyo qabiillada deggen una qoondeeyey in ay iska soo ururiyaan 12 kun kana hortaga 10 tabankaas kun oo qaab jabhadeed ah shacab la hubeeyey lana dhigo xuduudka u dhexeeya itoobiya iyo Somaliya dhinaca Somaliland.
Jabhadahaas waxaa loo adeegsaday cuqaashii beelaha Somaliland waxaa loo qorsheey in caaqil waliba beeshiisa ka keeno tiro go,an oo reerkii saddex wiil leh laba jabhadda ay ka qayb galaan midna reerka looga tago
Maxaa dhacay bilawgii SNM
La socoda qaybta labaad
Deeq Cabdi Digale