Qoraaga iyo Waajibkiisa Bulsho (Qaybtii 2-aad).
Posted by xaaji on October 30 2012 23:44:42

“Qallinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saaxiib kal furan weeye, Sunto faro ku hayntiisa, Weligaa ha sii dayn!”

 

“Wixii Qoran baa Quruumo hadhee, Muxuu Hadal Qaayo leeyahay!”

 

Afeef: Qormadan 2-aad iyo tii 1-aad ee ka horraysay ee aan kaga hadlayo/hadlayey Qoraaga iyo Waajibkiisa Bulsho, haba yaraatee wax xidhiidh ah lama laha, ma aha u hiilin iyo ka hiilan midnaba, mana aha jawaab ku waajahan qoraallada taxanaha ah ee Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale uu ku garnaqsanayo. Waa cabbiraadda fikirka xorta ah iyo sida aan anigu qof ahaan u arko Qoraaga iyo xilka saaran.

 

Muwaadinku wuxuu leeyahay xuquuq iyo waajibaad labadaba. Cabbiraadda fikirka xorta ah iyo Xorriyatul Qawlku waxay u baahan yihiin in si quman oo caqli ku jiro loo adeegsado. Qofka xorriyaddiisu waxay ku dhammaataa ama ku egtahay marka uu ku xadgudubo xuduudaha xorriyadeed ee qof kale leeyahay; ama koox, ururro, ummad ama qoomiyad kaleba leeyihiin.

 

Waxaa loo baahan yahay inuu Qoraaga Jam. Somaliland uu u dhuun daloolo waayaha iyo wacyiga dhabta ah ee ka jira bulshadiisa. Waxa lagama maarmaan ah in Qoraagu fahmo wadiiqooyinka loo maro bulshada uu ka soo jeedo, isaga oo hibada iyo hodantinnimadiisa Qoraannimo ku salaynaya dhaqanka, diinta iyo qaab nololeedka bulshadiisa. Sidaas oo keliya ayey qoraaga iyo bulshadiisu isku fahmi karaan oo isula jaan qaadi karaan oo la hiigsan karaa horumarka bulshadeenu u baahantahay, markaasaa dabadeedna bedbaadiyo barta aynu jecelnahay lagu beegsan karayaa.

 

 

Qoraagu waa kuma ?

 

  1. 1.    Qoraagu waa kii ah Bare iyo Barbaariye bulsho ee ummaddiisa u gudbiya: suubanaanta weedha iyo samaha ereyga wacan, dhaqankeenna toolmoon, sooyaalka taariikhdeena dahabka ah, ku-wada-noolaanshaha- samaha iyo inaan bulshadeennu kala sarrayn!
  2. 2.    Qoraagu waa kii qalinkiisa ku kasbada quluubta iyo maanka bulsho aan xad lahayn, isla markaana soo jiita qofkii ay kala aragti iyo ujeedoba duwan yihiin.
  3. 3.    Qoraagu waa kii ay qalinkiisa iyo qoraalkiisuba ummadda mideeyaan ee ay bulshada ka dhex abuuraan walaalnimo iyo wada-noolaansho dhab ah.

 

  1. 4.    Qoraagu waa kii ay qoraalladiisa ka muuqdaan xushmad iyo qadarin uu u hayo cidda uu la hadlayo, waxa uu ka hadlayo

     iyo ciddii dani ka gasho amaba ay dood-wadaag leeyihiin.

  1. 5.    Qoraagu waa kii miisaami qiyaasi kara saamaynta ay qoraalladiisu ku  yeelan karaan bulshada uu ku abtirsado iyo ciddii kale ee ay af- iyo dhaqan- wadaagba yihiin.
  2. 6.    Qoraagu waa kii Qalinkiisu ka xishoodo wixii magaciisa, ka dalkiisa iyo bulshadiisaba dheg xumo iyo sharaf dhac u soo jiidi kara.

 

  1. 7.    Qoraagu waa kii leh han waafiya, himilo fog, hiigsi dhab ah, hayalsanaan iyo haybad Qaran oo lagu soo hirto.
  2. 8.    Qoraagu waa kii aan u heellanaan inuu ku hodmo ama ku tanaado si qaldan,  milgaha iyo magaca wanaagsanna ka doorbida mansab uu maalin helo.
  3. 9.    Qoraagu waa kii ka gudba (ka tallaaba) xayn-daabka iyo xuduudaha qoys, qabiil, tuulo, degmo, gobol, qaran iyo kuwa qaaradeedba.

 

  1. 10.           Qoraagu waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka ay leedahay xirfadda Qoraannimo isla markaana dulqaad iyo adkaysiba u leh dhibta iyo dhalliisha kaga yimaadda bulshadiisa (wadar ama waaxid).
  2. 11.           Qoraagu waa kii aan ku sifoobin ee aan lagu tilmaansan inuu yahay habrade iyo hunguri-raac lagu adeegto oo fikirkiisa,   

maskaxdiisa, qalinkiisa iyo qoraalkiisuba ay cid kale u rahman yihiin.

  1. 12.           Qoraagu waa kii da’fura ee noqda waayeel, hayiin iyo gur-gurshaa aan u baahnayn in mar walba dabar iyo seeto lala daba-joogo!