Shirkii Dhuusamareeb 3 oo lagu heshiiyay qabashada doorasho dadban.
Posted by ifraax on August 21 2020 15:28:17

Shirkii Dhuusamareeb Seddax ayaa waxaa laga soo saarey warmurtiyeed ku aaddan nooca doorasho ee la qaadanayo.


Extended News

Shirkii Dhuusamareeb Seddax ayaa waxaa laga soo saarey warmurtiyeed ku aaddan nooca doorasho ee la qaadanayo.

Noocan doorasho ee ay dhinacyadu isku raaceen ayaa ka duwan tii hore madaxweynuhu u doonayey oo aheyd qof iyo cod.


Dhinacyada shirka, oo ay ka maqnaayeen maamullada Jubbaland iyo Puntlad, ayaa isku raacay qabashada doorasho loogu magac daray deegaanka doorasho, oo aan aheyn doorasho qof iyo cod.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda ayaa tilmaamaya in qaabkan cusub ee lagu xusey warmurtiyeedka uu yahay mid wali u baahan waqti ka badan muddada u hartey dowladda hada jirta.

 

Hargeysa Online