Ruushka oo ciidankiisa badda u diray markab ay askarta Maraykanku eryanayaan.
Posted by abdi on January 07 2026 21:59:57

Ruushku ayaa diray ciidamadiisa badda si ay u galbiyaan markab shidaal oo ay sidoo kale ciidamada Maraykanku ku baacsanayaan badweynta Atlaantigga,


Extended News

Ruushku ayaa diray ciidamadiisa badda si ay u galbiyaan markab shidaal oo ay sidoo kale ciidamada Maraykanku ku baacsanayaan badweynta Atlaantigga, sida ay sheegtay warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta warbaahinta BBC-da ee Maraykanka, ayaa werisay.


Markabkan, oo aan hadda wax shixnad ah wadin ayaa taariikh ahaan waxa uu qaaday Saliidda ceyriinka ee Venezuela, waxaana loo maleeyay in Talaadadii uu marayey meel u dhexeysa Scotland iyo Iceland.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii hore sheegay in uu amrayo in "la xannibo" maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela, tallaabadaas oo ay dowladda dalkaas ku tilmaantay "xatooyo".
Kahor qabsashada Mareykanka ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Nicolás Maduro Sabtidii, Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu eedeeyay dowladda Venezuela in ay maraakiib u adeegsatay si ay daroogo u keento Mareykanka.
Ilaalada xeebaha Mareykanka ayaa bishii hore isku dayay inay fuulaan markabka Bella 1 oo ku sugnaa Caribbean-ka markaasoo la rumeysnaa inuu ku wajahan yahay Venezuela. Waxa ay haysateen warqad amar ah oo ay ku qabsanayaan markabka, kaas oo lagu eedeeyay in uu jabiyay cunaqabataynta Maraykanka iyo raritaanka shidaalka Iran.
Kadib waxa uu bedeshay marinkii uu ku socday iyo sidoo kale magaca ayada oo loo bixiyay Marinera, waxaana la sheegay in uu iska beddelay calankii Guyana, uuna surtay calanka Ruushka.
Socdaalka markabka ee Yurub waxa ay ku soo beegmay iyada oo ay imanayaan ku dhawaad 10 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Maraykanku leeyahay iyo sidoo kale helikobtero.
Ruushku waxa uu sheegay in ay si walaac leh ula socdaan xaaladda markabka.