Trump oo sheegay in ciidamo dheeraad ah geyn doono Minnesota
Posted by ifraax on January 12 2026 19:06:23

Maamulka Trump ayaa sheegay in ay boqolaal kale oo ka mid ah saraakiisha federaalka u diri doonaan magaalada Minneapolis.


Extended News

Maamulka Trump ayaa sheegay in ay boqolaal kale oo ka mid ah saraakiisha federaalka u diri doonaan magaalada Minneapolis, maalmo kadib geeridii haweeney uu toogtay sarkaal ka tirsan waaxda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ee magaaladaas.


Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa u sheegtay Fox News in "boqollaal kale" loo diri doono aaggas "si loogu oggolaado ICE iyo shakhsiyaadka ilaalada xudduudaha ee ka shaqaynaya Minneapolis inay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda."

Dibad-baxyo looga soo horjeedo sharciga socdaalka ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo Maraykanka ah ka kaddib markii Renee Nicole Good, oo 37 jir ah, la toogtay iyadoo ku jirta gaarigeeda Arbacadii.

Maamulka Trump ayaa sheegay in wakiilku uu u dhaqmay si is-difaac ah. Saraakiisha deegaanka ayaa ku adkeysanaya in haweeneydu aysan wax khatar ah samayn.

Noem, waxay sheegtay in saraakiishu gaari doonaan "maanta iyo berri" waxayna ka digtay in tallaabooyin la qaadi doono haddii dadku isku dayaan inay carqaladeeyaan shaqadooda.