Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go'aan rasmi oo ay xiriirka ugu jarayaan dowladda Imaaraadka carabta.
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray go'aan rasmi oo ay xiriirka ugu jarayaan dowladda Imaaraadka carabta. Golaha ayaa ku sheegay qoraal ay soo saareen in ay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay'adaha maamulka dowladeed, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka oo soo baxay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu sheegay in la joojin doono dhammaan hawlihii ay Imaaraadka Carabta ka wadeen magaalooyinka Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.
Sidoo kale, waxa ay golaha sheegeen tallaabadan ay timid kadib markii ay heleen warbixinno ay ku go'aan gaari karaan, "Go'aankaan waxa uu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada,midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka", ayaa lagu yiri qoraalka.
Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin 'faragelin siyaasadeed, taageero ay siisay Imaaraadka maamul goboleedyada Dowladda Federaalka, iyo khilaafyo la xiriira arrimaha amniga iyo tababarka ciidamada'.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer u muujisay walaac ku saabsan doorka Imaaraadka Carabta ee ku aadan gudaha dalka, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee uu la yeeshay maamul goboleedyada, taas oo ay ku tilmaantay mid dhaawacaysa midnimada qaranka.