Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa cambaareeyay safarka Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku tageen magaalada Laascaanood.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa cambaareeyay safarka Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku tageen magaalada Laascaanood, wuxuuna ku tilmaamay duullaan qaawan oo ka dhan ah Somaliland.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya, oo adeegsanaysa dowlado shisheeye, ay qorshaynayso dagaal lagu soo qaado Somaliland, isla markaana waxa uu ka digay in dowlad shisheeye ay soo farogaliso Somaliland.
“Dowladda Soomaaliya waxay aloosaysaa duullaan ay kusoo qaado Somaliland, iyadoo diyaarado laga leeyahay dalka Turkiga ay laba dhigayaan ciidan iyo hub Laascaanood. Waxa uu Xasan sheegay in isaga iyo dowlado ay xulufo yihiin kusoo duulayaan Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo kala badh madaxda Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay qaar aan meelna xukumin, ay Laascaanood joogaan. Safarka madaxda Soomaaliya ayuu ku tilmaamay daansi-daansi, farogalin qaawan, iyo duullaan cad.
“Waxaan ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka masuuliyad-darrada ah ee xukuumadda Xasan Sheekh hoggaaminayo, kuwaas oo waxyeeli doona nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.
Waxuu sheegay in dowladii Kacaanku ay ciidan iyo hubkii ay haysay isku keentay Somaliland, balse laga adkaaday, isla markaana xabaasheedii ay Hargeysa noqotay. Waxa uu sheegay in uu hoggaamin doono dagaal lagu difaacayso Somaliland haddii lagu qasbo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyo madax kale oo ka tirsan dowladda, ayaa magaalada Laascaanood soo gaadhay si ay uga qayb galaan caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye.