Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ergaygii hore ee IGAD, Danjire Maxamed Cabdi Afey.
Posted by ifraax on March 30 2026 18:45:48
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan sharafeed Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay.
Extended News
𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan sharafeed Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Ergaygii hore ee IGAD, Danjire Maxamed Cabdi Afey.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Geeska Afrika, arrimaha amniga, isbeddellada gobolka, iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga si loo helo nabad iyo horumar waara. Madaxweynaha ayaa adkeeyey doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo tilmaamay in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo deggan.
Danjire Afey ayaa bogaadiyey horumarka Somaliland ee nabadda iyo dawlad-dhiska, isaga oo xusay inay tusaale u tahay dalalka gobolka. Sida oo kale, waxa uu sheegay in uu soo bandhigi doono buug ka hadlaya waayo-aragnimadiisa nabad-dhisidda Geeska Afrika.
Kulanka waxaa sida oo kale ka qayb galay masuuliyiin iyo ganacsato danaynaya maalgashiga, gaar ahaan adeegyada caafimaadka.
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝