Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu qabsaday dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla koonfurta Delhi.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu qabsaday dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla koonfurta Delhi, sida ay sheegeen booliska caasimadda Hindiya.
Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa ahaa ajaaniib - oo ay ku jiraan Soomaali - kuwaas oo u safray Hindiya si ay u helaan daaweyn ama ay u raacaan qaraabadooda oo xanuunsan.

Dadka ayaa ku dhaawacmay dhacadadaan iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan markii uu dabku ka kacay.
"Gabar iyo wiilkeeda oo ka yimid Nairobi ayaa ku jiray", ayay BBC da u sheegtay Salmo Jamaal oo turjubaanka ka ah magaalada Delhi.
"Qaybta afaraad ayay ka soo boodeen. Wiilka xoogaa jug ah ayaa gaaray laakiin gabadhu waa ay jajabtay oo ilaa iyo dhabarka ayay ka jabtay. ICU ayay ku jirtaa hadda", ayay tiri Salmo.Dhanka kale waxay sheegtay in ay jireen hooyo da'ah iyo wiil la socday oo ilaa iyo haatan la la' yahay raqr iyo ruux.
"Waxaa loo badinaa in loo qaaday isbitaalka dowladda, sababtoo ah dadka aad u liita isbitaalkaas ayaa loo aruurinaayay" ayay raacisay hadalkeeda.
Dhismahan oo ku yaal aagga Malviya Nagar ayaa la sheegay inuu u shaqaynayey sidii hoteel oo kale oo ay daganaayeen dadka bukaannada ah iyo qaraabada kuwaa oo lagu daweynayo isbitaal gaar loo leeyahay oo u dhow agga.