Musharaxa ugu tunka musharixiinta ururka dalsan uguna tageerada badan si oo dhoolatus ah u soo ban dhigay cududiisa taageero.
Posted by xaaji on November 10 2012 01:45:04

Wuxuu musharaxan ka sharaxan golaha degaanka ee caasimada Hargeisa kuu soo bandhigaya barnaamijkiisa   isagoo bulshada Hargeisa ka codsanaya inay ugu codeeyaan barnaamijkiisa 

Eng Axmed Ibraahim Cilmi    number kiisuna yahay 403

 

                          JAMHUURIYADA SOMALILAND

     CAASIMADA JAMHUURIYADA SOMALILAND
      BULSHOOY LASOOBAX MAAYARKAAGA
     
Musharaxa golaha deegaanka caasimada Hargeisa ee ururka DALSAN
 Eng: Axmed ibraahim cilmi muuse:403 wuxuu kuu soo jeedinayaa barnaamijkan
Ku talagalka waxqabadkiisa kaasoo ka kooban kob iyo labaatan qodob iyo tobanqodob oo lagasoo tuujiyey aqoon iyo waaya aragnimo cilmiga iyo diinteena  ku dhisan waana sidan hoos ku xusan:


1-siloo helo isbadal waxku ool ah waxa lagama maarmaan ah
In ay degmo waliba hesho saamiga ay ku leedahay miisaaniyada D/hoose ee casimada
Maadaama qaybaha kaladuwan ee bulshada caasimada aanay ku baaqanin wixii ay D/hoose xaq ugu lahayd sidoo kale waa in ay bulshaduna heshaa wixii ay xaq ugu lahaayeen D/hoose ee caasimada.,
2- waxa lagama maar maan ah in ay dawlada hoose ee Hargeisa abuurto,xafiisyo  ururo bulsho oo lagu hormarinayo dhalinyarada iyo haweenka, sida horumarinta,aqoonta iyo xirfadaha haweenka iyo hor umarinta sportiga dhalinyarada, iyadoo lasamaynayo ku talagal miisaaniyadeed oo joogta ah sanadwalba. Isla markana lala kaashanayo hay adaha hor umarinta, islaamiga ah iyo kuwa caalamiga ahba.
3- In la abuuro xafiiska iskaashiga iyo horumarinta gaadiidka Hargeisa oo siwaynwax loolaqabto oo lagarab istaago gudiyada gaadiidka basas layaasha si loo helo bas stationskii  ayka bixi lahaayeen iyo jidad laami tayo leh oo ay gaadiidkeenu maraan iyo  Bas stationkii  ay basaku kasoo noqonlahayeen runtii aad iyo aad
Ayey umahadsanyihiin mulkiilayaasha gaadiidka basaslaydu iyo gudiyadooduba
Waxaanay imika hayaan oo ay siwada jir ah oo wadaninimo leh  u fuliyaan,hawshii D/hoose ee Hargeisa waxaanay kumahadsanyihiin boqolkiiba boqol  adeega ay u hayaan umadooda markii ay waayeen cidii hawshan gudanlahayd. Ee u qabanlahayd
Culayska iyo dhibaatada ka haysata basstation la,aanta iyo wado xumida gudaha magaalada iyo koonayaasha degmooyinkaba.
4- in la abuuro xafiiska horumarinta shaqaalaha dhismaha si waxloogaqabto  dulmiga haysta shaqaalaha dhismaha oo runtii si qalab ahaan ah loo isticmaalo imika xoogooda iyo aqoontoodaba.
5- in waxlaga qabto dulmiga xaga xuquuqda shaqaalaha D/hoose ee caasimada Hargeisa.
6- in la abuuro xafiiska xidhiidhka iyo shaqoabuurista dhalinyarada iyo aqoonyahanka jaamacadaha dhamaystay si looga  hawlgaliyo shaqada D/hoose ee caasimada rag iyo dumarba, si looga faaiidaysto aqoontii ay dalka usoo barteen iyagana looga bad baadiyo tahriibka iyo moral jabka, ay camala,aantu ku hayso.
7- in la abuuro xafiiska xidhiidhka iyo daryeelka   bulshada danyarta ah. 
8-in la abuuro xafiiska daryeelka iyo horumarinta ardayda dhamaysatay aqoonta dugsiyada sare balse aanay waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan viiga jaamacada
Iyadoo loo eegayo heerka imtixaanaadkooda.,
9-in la abuuro xafiiska daryeelka  iyo hor umarinta ee ganacsatada danyarta ah ee imika waxqabadka looga dhigay cagafta lagu burburiyo   sida; ururada bacadlayaasha yar yare e kaaryonlayda ah, ururada khudradlayda,ururada caanalayda,ururada hiliblayaasha ururada dhuxulayda ah, ee ku dhaqan caasimada.
10- in la abuuro xafiiska dib usixida iyo hor umarinta qorshaha caasimada recorect and Development city  planning  service.
11- in la abuuro xafiiska dhiirigalinta horumarinta wax soosaarka sida beeralayda ku gadaaman caasimada iyo warshadaha waxsoosaarka ee kahawlgala dhulka caasimada.
12-inla abuuro xafiiska iskaashiga iyo horumrinta isgaadhsiinta siloo helo soone ku haboon taawarada oo lamadagaan ah.
13-in la,abuuro xafiiska daryeelka iyo horumarinta  wacyigalinta goobaha diinta cibaada iyo waxbarashada culuumta diiniga ah,
14-in la abuuro xafiiska iskaashiga iyo hor umarinta Dawladaha islaamka iyo D/hoose caasimada Hargeisa.
15-inla abuuro xafiiska iskaashiga gudiyada horumarinta degmooyinka caasimada
16-in la abuuro xafiiska dhiirigalinta iyo horumarinta saxaafada si ay u helaan xuquuqdooda xaga D/hoose sida dagaamaynta dhulka iyo agabka iyo aqoontaba saamikufilan aykahelaan d/hoose.
17-in la abuuro xafiis dab ddabis tayo leh oo gudan kara hawshiisa caasimada
18- in l abuuro xafiiska dhiirigalinta iyo hor umarinta fanka iyo fanaaniinta oo runtii imika aan l, ogayn cida lagu halaynayo d/ hoose iyo dawlada dhexe toona.
19-in la abuuro xafiiska horumarinta nadaafada bilicda, greaneryga iyo dhiraynta.

Qodobadan iyo kuwa kale oo aynaan halkan kusoo koobi Karin waxa ay kamidyihiin
Barnaamijka waxqabad iyo isbdalka cusub ee aan diyaarka u ahay in aan ka hirgaliyo D/hoose ee caasimada dalka, iinsha alaah bi,idmilaahi kariim anigoo kamid ah xubnaha murashaxiinta uruka dalsan  gol/deg/caasimada, eng:Axmed ibraahim cilmi muuse:- 403

Wasalaamucalaykum waraxma tulaahi wabarakaatu