Madaxwayne Md.Ahmed Mahamed Mahamoud Siilaanyo Waxaan Leeyahay Gogoshii Nabada Aad Fidisay Gobanimadeedii Dhamaystir Oo Gudidii Iyo Garsoorkii.
Posted by xaaji on April 15 2012 05:35:28
Marka Hore waxaan salaamya saxaafada sharafta leh iyo shacabka qaaliga ah gudaha iyo dibadaba wasalaamu calaykum waraxmatulaahi Wabarakaatu.Bacda salaantaas Islaamka.
Waxaan Maanta Jeclahay In aan Talo Ku Darsado Baaqyadii nabad Ee uu ku dhawaaqay Madawxayne Ahmed Siilaanyo Ee ku salaysnaa Colaada Bariga Somaliland Gaar Ahaan Qaybo Ka Mida Gobalka Sool Iyo Buuhoodle Halkaas oo Ay Soo Noqnoqotay Dhibaatada Ka Jirtaa taas oo Aad Moodo InayTahay Fidmo Aan Loo Dhamayn,Waxaanse Rajaynaynaa hadii Ilaahay Idmo Hadii Lagu Dhaqmo Qodobadan Soo Socda In Ilaahay Inagu Guulayn Doono Labad Dhanba Insha allahu Hadba Maxay Yihiin Qodobadani,
(HORDHAC )WAA IN MARKA HORE LA WAR GALIYO BEESHA DHULBAHANTE INAY DIYAAR U YIHIIN WADA HADALKA (WAA HAA JAAWAABTU) WAA INAY GUDAHOODA SOO SHIRAAN ISNA SOO SHAANDHEEYAAN RUNTANA ISU SOO SHEEGAAN,WAA INAY MID NOQDAAN WAXAAN KA WADAA, WA INAY SOO AF JARAAN PUTLAND IYO RIYOOYINKA AAN JIRIN.OO AY MID NOQDAAN ILAAHAYNA HA KU GUULEEYO ABTIYAASHAY XAQA AAMIIN, MARKAAS WAA LA HELAYA WADA JIR IYO WANAAG ILAAHAYNA HAKA DHIGO QAAR XAQA U ADEEGA AAMIIN,
Qodobka (1)Waa Sidan Marka Ugu Horaysa Madaxwayne Md. Ahmed Mahamed Mahamoud. Waa inuu Baaqiisa Nabadeed Waa Inuu Dhamaystiraa Una Magacaaba Gudi Qaran Oo Ay Ka Kooban Yihiin Dhamaanba Beelaha Somaliland Waa inay Hogaankeeda Ay Leedahay wasaarada Ay Qusayso Oo Ah Wasaarada Arimaha Gudaha ,Oo Hogaaminaysa Gudi Adag Cuqaal Wax Garad Culimo Awdiin Xul Ah Oo Xalaala Oo Daacadnimo Badani Hagayso Maansha Allahu.
Qodobka (2)Waa In Ay wasarada Arimaha Gudahu Ay Gudida Ay Magacawday Iyo Cuqaashan Iyo Culimadan Iyo wax garadkani waa Inay Xiodhiidh Toosa La siisameeyaan Beesha Dhulbahante, Waa In la Helaa Beesha Dhulbahante Oo kamidaysan Af kaarteeda Waa In Laga Waan Toobaa Labac Labacda Iyo Laba Dhanlaynta Dhaawacday Beesha Dhuklbahante Waa In Runta Loo Sheega Inay Mid Noqdaan Dalkan Iyo Dadkana saamigooda Ay Ka Qaataan,
Q,3 waa In la Helaa Mudaday Doonto Ha Qaadatee Isimo Iyo Waxa garad ka soo Jeeda Dhulbahante Oo Runta Laysu Sheego Ilayn Runtu Waa dawo waana naruuro waana nasteexo Oo waxaynu Nahay dad wada dhashay oo gacalee Hadaynaan Runta Isu Sheegina waxba Inoo qabsoomimaayaan Ee taas Ha la ogaado,Waa in daacad Laga Noqdaa lana helaa Beesha Dhulbahante Inay Marka Hore Siday Ku Dhawaaqeen Dhawaan waraysiyo lalayeesha Ismada qaar in Ay Marka Hore Iyagu Soo Shiraan Go aan Qadasho Iyo Midnimo Adagna ay Soo Qaataan,Kadib Iyaga Oo Midaysan Ay ka qayb Qaataan Gogosha Nabada Ee Madaxawaynuhu Fidiayay.Waa Intaas fariin Ahaan loogu Diro,Insha Allahu waxaan Filaynaa Ilaahay Khayr Inuu Ka dhigo Bi Idmilaahi tacaalaa,
Waa In Loo Dhabar Adaygaa Xaalada Idinla Soo Darsi Doona Ilaahayna haydiin Fududeeyo Laakiin Waxa Mihiima In Runta Miiska laysu saaro Kaftanka Iyo gacalnimadana Laga Bilaabo waayo waxa laysku Hayaa maaha Diin Ee waa Lexo Jeclo waxaana Leeyahay Abtiyaashay Hayna Kala rarina Dhulka Iyo Xoolahaba waan wada leenahaye Waxaan Ku Soo Gabagabaynayaa ilaahay xaqa Hayna garan Siiyo Aamiin Aamiin..
Wabilaahi Tawfiiq Ilaahay Ayay Mahadi U Sugnaatay Al Xamdulilaahi Rabil Caalamiin.
Somaliya Ilaahay Dhibaatadada Haka Dul Qaado Caalamul Islaam Ilaahay Ha U garagaaro Colaadahan Ilaahay Haka Damiyo Aamiin Aamiin
Allahu Maa Cisal Islaamu Wal muslimiin Ilaahy karaamadii Sharaftii Muslimka Hawsoo Celiyo Aamiin
Somaliland Ilaahay Himiladeeda Hagaadhsiiyo Aamiin hankeeda Iyo Ictiraafkana Ilaahay haw Fududeeyo hawna Rumeeyo Aamiin
Somaliland Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul Iyo Gobanimo,
By Sidiiq Sh Farah Gabaar