URURKA WADDANI UK OO XIL MAGACAABIS SAMEEYEY.
Posted by xaaji on November 12 2012 02:45:11
Sidaan ka war-qabno waxaa lagu jiraa maalmihii ugu dambeeyey uguna hawl-qabadka badnaa loolanka Ololaha doorashooyinka deegaamada, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo 28th November 2012, hadii Allaha awooda lihi ogolaado. Ururka Waddani laantiisa UK isagoo eegaya baahiyaha loo qabo in hawluhu u socdaan qaabkii loogu talagalay xubin walbana buuxiso xil-shaqeedka loo igmaday ayuu Ururku gartay in loo baahan yahay Gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Haweenka UK, kaasoo loo igmaday Marwo Saynab Mohamed Ali inay buuxiso xil-shaqeedkaas.Marwo Saynab oo hore u ahayd Xoghayaha Guud ee Garabka Haweenka UK ee Ururka New Ucid, ayaa go'aansatay inay ka mid noqoto xubnaha Ururka Waddani ka dib markay ku qanacday qorshaha iyo Siyaasada Ururka Waddani kaas oo ay u aragtay inuu yahay kan ugu haboon ee lagu aamini karo xiligan hogaanka waddanka; Sidaas si la mid ah ayaa hawl-wadeenada Ururka Waddani UK ku qanceen kartida iyo waxqabadka Marwo Saynab Mohamed Ali ku soo biirideedii iyo waxqabadkii mudadii ay ka tirsanayd Ururkan Waddani, waxayna Madaxda Ururka UK u garteen, welibana go'aansadeen in loo magacaabo Marwo Saynab Mohamed Ali Gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Haweenka UK ee Ururka Waddani.Sharaf bay u tahay dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha Ururka Waddani in ay si kalsooni leh xilkan ugu magacaabaan Marwo Saynab. Waxaanuna sidoo kale ugu hambalyaynaynaa Marwo Saynab xulashada iyo go'aan qaadashada ay kalsoonideeda iyo taageeradeedaba ku siisay Ururkan Waddani.Waxaanu Illahay uga baryaynaa Marwo Saynab in Illahay u fududeeyo xilkan loo magacaabay, iyadoo Ururku u balanqaadayo inay la garab istaagayaan wadashaqayn buuxda sidii ay xilkeedan u gudan lahayd.Afhayeenka Ururka Waddani UKQasim A Saleebaan [email protected]