xaalada s/land iyo waxa xall u noqon kara doorashada la qaribay.
Posted by xaaji on December 20 2012 00:38:46

Dalku  maaha inuu khasaare galo iyo dhibaatooyin sii daba dheeraada

Hadiiba komishanku qalad galay kuna hab maamulkii doorashadana xumeeyay
si dacadana u gudan waayay waajibkii saarnaa  maxaa xala
1- ma qas iyo qalalaasaa xala ?
2- ma mudaharado cunuf wataa  xala ?
3- ma is aflagaadeyn iyo afxumaa xala ?
waa hubaal in maalin kasta oo mudaharaad dhaco khasaare imanaayo
kaas oo nafwaa iyo dhaawac  hanti burburta iyo nolol maalmeedka oo
hakad gasha inagu keena.
Waxa haboon in caqligu shaqeeyo  maskaxdana la tuujiyo sidii loo sixi lahaa
qaladkan dhacay iyo musuq maasuqa ku yimi doorashadii degaanka
komishanku waxa  ay wadaan waa sii hurin  xaalada hada taagan 
siday wax u wadaana waa mid aan xal u ahayn  mashkilada  hada socota
nin soo baxay ayaa hadana dhacay waa markhaati ay isku fureen
in dooraashadu ahayd mid cadaalad daro ku dhacday[ lagana siisan maayo].
Hadii cadaalad daro dhacday oo ay taana maanta ogalaadeena waxa  waajiba
in komishanka qaranku  dhamaantood is wada  CASILO
waxa markaa imanaysa sidii loo xalin lahaa  dhibkay ka tageen iyo umaday
afka isku galiyeen ee is wada haysata [ AYAX TAG EELNA REEB].
Maamulka dawlada  ayay ku waajib tahay inay xal u  raadiyaan 
ayagoo kaashanaya asxaabta qaranka ee hore u jiray
walibana talada wax kasiiyaan kuwa cusub ee soo baxay sidoo kalena
wada hadal la yeesha  madax dhaqameedka iyo guurtida.
ka fursan mayso in oadayaashii lagu caano maalay ee dalkan nabada kusoo
dabaalay in badan  talada wax laga siiyo.
ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee xaaji cabdi kariim xuseen iyo saaxibadii 
ka fursan mayso inay markale maanta umada dhex dhexaadiyaan  
maadaama siyaasigii xal u heli waayay mashaakilka  jira  xaaladuna kasii darayso.
dawlada somaliland
Dawladu waa  central govermantka dalka iyo dadka hagaaya ee nabada haya
ayaga la,aantood  waxa dalku gali karaa  dhibaato wayn oo horseedi karta bur bur
sidaa daraadeed halagu fikiro in dawlada lafteeda  la caawin lahaa
si wadaniyadi ku jirtana  loola shaqeeyo lana siiyo waqti ay arinkan  ku mamusho
kuna soo afjarto.
hadiise xaalku noqdo  MIDI KU TAAG MIDI  marka guul gaadhi mayno  dhibkuna 
waa sii baladhanayaa.
inta sida qaldan u fikiraysa ee  dabka sii hurinaya kuna taamaya in maamulka
dawlada la wiiqo waa  mid aad ku qaldan tihiin mana aha xal nabad iyo wanaag
inoo keeni kara.
Dawlada iyo madaxda dalku haday qaldamaan macnaheedu maaha in inaguna  aan 
isa sii kabaraacino oo dhankasta ka dumino nabaduna faraha haka baxdo.
taasi maaha mid caqliga saliimka ah iyo muwaadinka xalaasha ah uu qaato
haday dunto dawladu  nin walba way ka dumaysaa
hadii  ay duntana nabadu waa ka baxaysaa faraha  hadii taasi timaadana 
ka filo  sida XAMAR tahay in xaalada soomaliland ku danbaynayso
HADABA UJEEDADU WAXAY TAHAY
Komishanku way qaldameen cadaalad darana waa ku kaceen  daacadna may ahayn
markaa  MILAL KORKIISA LAMA DHAYO.
waa in  si waafiya oo mug leh dhaliisha loo saaro halkay leedahay kuna dhiirano
nina sharciga kama wayna kamana sareeyo  
mustaqbalka  in laga fikiro weeye oo maanta hadaad gacanta ku qabato  musuq maasuqa
waxa imanaysa bari in laga baqo  masuuliyada iyo xilka umada loo  qaadayo
waa hadaynu rabno in xal loo helo mashkiladan doorashada degaanka.
Hadiisa ay  taladeenu tahay  calina gar leh caydiidna gar leh oo ahaa arimihii
koonfur ku burburtay  inaguna waynu  ku burburaynaa !!!!!!!!
gartu laba nin kama wada qosliso  ragana runtu waxba ma yeesho
ee waa in xiniinyo la yeeshaa  oo ku dhac la yeesho  gartana lagu qaado halkay
leedahay eedana aaan loo wada sinaan
sidaana farta loogu fiiqo cida  eeda iska leh oo ah komishanka qaranka
ama waxa aan ku sheegay  KOOXDA BUDHCAD DOORASHEEDKA.
GABAGABDII
Doorashadani  waa dhacday musuq -maasuqna way ku dhacday  komishankuna
daacad may ahayn .
marka waxa aniga ila quman in duuduub lagu liqo la isuna tanaasulo  ayadoo
nabadeena iyo dalkeena iyo dadkeena loo TUDHAAYO.
wax la sixi karaa ma jirto sababtoo ah hal xaaraani nirig xalaala ma dhasho
bilowgii ayaa qalad lagu galay oo diiwaan galintii komishanku laalay
dawlada iyo asxaabta qaranka iyo shacabka soomaliland ayaguna waa ku raaceen
waxaan xasuusta qoraalo aan ka qoray aniga iyo  xubno kale oo inbadan ka biyo  diiday
in la laalo diiwaan galintii.
laakiin wax na dhagaystay ma jirin  sidaana dalka dhan  ayaa isku raacay inay
bilaa diiwaan galin ku galaan doorashada.
marka inay tani dhacayso waa la wada garanaayay   sidaana nin waliba waa ku shubtay
xisbi kastaana waa ku shubtay waana lays boobay.
cidii kala hagi lahayd ee  xilkani saarnaana komishanka ayay ahayd ayana xilkoodii 
waa gabeen.
Ugudanbayn
Arinkan halagu soo afjaro in shacabka iyo dawlada iyo asxaabtu isu tanaasulo
ka dibna  eeda la saaro komishanka
--sidaana lagu casilo xilkana laga xayuubiyo
-- in xadhig ay mutaystaan komishanku jeelna  galaan
-- inay raali galin  ka bixiyaan  musuq-maasuqii ay dalka ka rideen
Maamulka dawladuna waxa la gudboon
Raalin galin buuxda inay shacabka siiyaan
in dadkii ku dhintay/ku dhaawacmay magdhaw la siiyo
inay baadhitaan ku sameeyaan asakartii dadka rasaasta ku furay
askarta maxkamad la horkeeno sharcigana lagu qaado
sababtoo ah askarta  dhawr nin ayuunbaa xabada hoos u dhigaayay
hadii investigation lagu sameeyana waa lasoo heli karaa gacan ku dhiiglayaasha
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
[email protected]
uk