Waxad BERRI Sameyn Lahayd, MAANTABA Samee.
Posted by xaaji on February 17 2013 04:33:45
Nin oday ah oo dad u taliya ayaa lagu yidhi, waar nimankii wey soo socdaan ee maxaan ku nidhaa. Wuxu ku jawaabey, waxay ina yidhaahdaan ayeynu wax ka odhan doonaa ee ha yimaadaane suga. Jawaabta odeyga waxa ka muuqata, inaaney si fiican uugu caddey waxa ay raga soo socdaa la iman doonaan, sidaa darteedna wuxu isu diyaarinayaa inu jawaabta ku haboon siiyo marka ay soo gaadhaan ee ay ka warramaan waxa ay u socdaan Waxad meel dhigatey hadaf iyo mabda’a ah in Soonmaaliland ay noqoto dal xor ah oo xubin ka ah dawladaha caalamka ee nabadda iyo horumarka jecel. Muddo 22 sanadood ah ayaa umadda dalka ku dhaqani waxa ay ku guuleysatey inay nabadgelyo abuuraan oo mujtamicii wada noolaado, dalkiina dib u dhistaan higsadaanna iney la jaan qaadaan umadaha horusocodka ah. Intaasiba waa xil weyn oo aan sahlaneyn marka loo eego dal iyo umad dhib intaa leegi soo gaadhey oo haddana wax qabadka intaa leeg qabsadey, iyaga oon gacan badan dibedda ka helin. Dhaqdhaqaaqa siyaasada, guud ahaan, ee dalku ilaa xad la aqbali karo ayuu u socday ilaa 1999, balse wixii ka danbeeyey waxa ay gashey isku meereysi ad moodo in ama itaal loo waayey ama aqoon loo waayey si halkaa hore looga sii riixo. Wax kastaa waxa ay ku fiican yihiin in marka ay joogaan ee xiisaha loo hayo wax laga qabto si aan markaa looga xiiso dhicin, ama aaney hoos uuga dhicin qiimihii ay laheyd. Tan iyo intii lagu dhawaaqey gooni isu taaga, Soomaaliland weli si rasmi ah codsi aqoonsi uugumey gudbin labada meelood ee ictiraafka bixiya. Qaanuunka dawliga ihi waxa uu aqoonsanyahay in dawladi yeelan karto laba ictiraaf oo kala ah (1) iney xubin ka noqon karto golaha loo dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa iyo (2) in laba dawladood is ictiraafaan. In kastoo dedaal badan ay dawladda iyo shicibkuba sameeyeen in qadiyadda Soomaaliland laga dhaadhiciyo caalamaka intiisa kale, haddana codi rasmi ah weli looma gudbin labadaa dhinac ee an sheegey. Dawladda maanta joogtaa la iskuma hayo iney waddo dedaal badan oo ay ku dooneyso in siyaasadda arrimaha dibedda lagu furfuro, gaar ahaan in la galagaleysto Yurub iyo Carabta. Safarro badan ayay madaxda dawladdu ku tagtey wadamadaas, balse arrinka ictiraafku marna kuma jiro ajandaha wadamadaas laga wada Hadley ama la damacsanyahay in laga wada hadlo. Agendaha keliya dawladdu sida rasmiga ah u shaacisey ilaa maanta waa ka ah, in la wada hadlo Soomaaliya si loo noqdo laba dawladood oo walaalo ah oo wada nool. Ma xuma oo sideedaba dawaladaha kala go’ay ugu danbeynta waxa ka heshiiya labada dinac ee kala go’aya. Balse waxa iyana markasta meeshaa ku jira culey weyn oo dhinaca laga go’ayo saran oo markaa ku qasba in dhinaca kale go’o, culeyskaa oo inta badan ka yimaadda mid ka mid ah dawladaha xobinta ka ah Golaha Ammanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa. Ka soo qaad in odeyga an maqaalkan bilowgiisa ku xusey inu sii ogaa waxa nimanka soo socdaa la iman doonaan. Wax dhab ah inu jawaabta iyo waxa ay ku odhanayaan sii diyaarsan lahaa. Waxa kaluu isu sii diyaarin lahaa wax kasta oo kaga iman kara nimankaa soo socda xumaan iyo samaanba. In Soomaaliya la wada hadlaa waa daruuri, balse haddii aan jawigu u bisleyn inad gacanta sare yeelaneyso ama natiijadu aaney xaggaaga u badneyn, waxa fiican inaadan ku degdegin wada hadal. Wada hadalka ka hor waxa fiican inad abuurto jawigii adiga ku saacidi lahaa, ha noqoto cid kale oo culeys badan meesha soo saarta oo dhinaca kale ku kalifa iney kula saayiraan, ama baqasho kale oo ku soo koradha dhinaca kale oo u nugleysa iney garowsadaan in sida ad adigu rabto iyagana faa’iido uugu jirto. Jawigaasi haddaanu abuurneyn waxa ad galeysa waxa luqadda siyaasadda loo yaqaano “Political Trap” oo ah dabin siyaasadeed. Maxey tahay fursadda ay natiijo Soomaaliland u dan ihi kaga soo bixi karto shirka ay la leedahay Soomaaliya, oo taa macneheedu yahay, furasadda ay Soomaaliya ogolaan doonto in Soomaaliland goni u go’do (ileyn hadafka la sheegay in Soomaaliland ka leedahay shirku waa kaase). Si ad jawaabta u hesho, isweydii maxay tahay waxa Soomalia ku qasbi kara ama ku cadaadin kara iney Soomaaliland ictiraafto. Aniga waxa ay ila tahay inaaney muuqan iney jirto sabab keliya oo muuqata oo ku kalifi karta in Soomaaliya ay ictiraafto Soomaaliland. Sideedaba qof waxa ad ka adagtahay ama ad ka gorgortan roontahay marka uu liito. Soomaaliland waxa ay markii hore wada hadalka ku xidhey shurrud ah inay la hadli doonto marka ay dhalato dawlad Soomaaliyeed oo dalkeeda oo dhan wakiil ka ah oo haysata kalsoonida umadeeda. Tanina waa qalad kale oo weyn oo siyaasadeed oo la galey. Waxa ay la mid tahay, qof xanuunsanaya oo itaal darán oo ad ku tidhi horta soo bugso, oo isasoo baano, soona xogeyso, tolkaana soo kaxeyso markaasaan iska kaa celine. Ma qofka isagoo buka oo tolkii filiqsanyahay ad wax ka weydey ayaad ka heli maalinta u kuu soo caafimaado? Jawaabtu waa maya. 1991 kii, General Caydiid (AHUN) waxa uu soo jeediyey in dawladda Soomaaliya ay koonfur iyo woqooyi u kala qaataan nus iyo nus, waxaana diidey Soomaaliland xilligaa. 1995 kii, Dawladda Soomaaliland waxa ay diidey iney qaadato kursigii Soomaaliya ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa oo ay dawladda Soomaaliland noqoto mid iyadu haysta ictiraaf Soomaaliya oo Soomaaliya oo dhan wakiil ka ah, markaana waxa diiday dawladdii Soomaaliland. 1998 kii, waxa Soomaaliya ay soo jeedisay (gaar ahaan siyaasiyiin ka socday Puntland) in Caasimadda Soomaaliya ay noqoto Hargeisa oo ay soomaaliya oo dhan halkaa looga taliyo, inkasta oo ay hindise uun aheyd, markaana dawladda Soomaaliland wey diiday ra’yigaa. Maanta, ha kuu danbeyso in ay soomaaliya soomaaliland ictiraafto e, waxa an maanta hubaa inaaney marna Soomaaliya ogolaaneyn in la noqdo dawlad federal ah oo nus iyo nus wax loo qeybsado. Hadiiba ad sideydaa rumeysantahay inaan wada hadalkaa aaney ka soo baxeyn natiijadii ay rabtey Soomaaliland, amase aad rumeysantahay iney soo bixi karto iyo inaaney soo bixi karinba, muxuu noqon karaa waxa looga wareegayo halkaa hadday dhacdaba in lagu heshiin waayo. Wixii ad markaa yeeli laheyd waa inu iminkaba kuu diyaar yahay. Umaduhu waxa ay isku dhaafeen, qaarna waxaa markaa jooga uunbey xooga saaraan, qaarna wey ka sii tabaabusheystaan waxa wakhti fog ku soo socda. Dhawaanahan iyo intii ka danbeysey khudbaddii Madaxweynaha ee uu dhawaan ka horjeediyey labada gole ayey soo baxdey hadalka ah in Soomaaliland ay sii jiri doonto xataa haddii aan la ictiraafin 100 sanadood ee soo socda. Waa guubaabo wanaagsan, balse iminka waajibka u horeeyaa ee ina saarani waa inta ka horeysa 2015 inan la nimaadno istiraajiyaddii looga wareegi lahaa hadiiba wada hadalka wax ka soo bixi waayaan. Soomaaliya tafaraaruq badan ayaa ayaa dhex yaala dawladda ka jirtaana dhulka in badan ayaaney awood badan ku laheyn. Sidaasoy tahay, waxa keliya ee Soomaaliya ay ka mideysan tahay waa midnimada Soomaaliweyn wixii la odhan jirey. Horta iminka wada hadalkii uu bilaabey, oo meel wax laga soo qabtaa ma jirto, waayo haddii ay Soomaaliland dib uuga laabato wada hadalka, waxa umadaha caalamku u arkayaa samo diid. Balse waxa la sameyn karaa habkii aanu wada hadalku khaasare inoogu keeni laheyn (Damage Control), oo ah in marka hore la isla meel dhigo Heshiis Gogolxaadh ah oo labada dhinac u dhexeeya oo waafi ah. Arrintaa anigu waan ku taliyey markii la tegeyey shirkii London ee kal hore iminkana waan ku talinayaa. Agendaha shirka oo la isla meel dhigo ka sakow, waa in laga sii wada hadlaa laguna heshiiyaa mabaadii’da aasaasiga ah ee wada hadalka salka u ahaan doonta. Heshiis gogol xaadh ah waxa ka mid noqon kara qodobadan soo socda: 1. In labada dhinac ay shirka la yimaadaan niyad-sami, ixtiraam iyo xushmo. Dhinacna waa inaanu la iman cadho, cunfi iyo cagajugleyn uu u geysanayo dhinaca kale. 2. In labada dhinaca ay ku heshiis yihiin iney shirka u siman yihiin oo aan dhinacna dhinaca kale hoos u dhigin ama aanu u waajihin hab nuqsaani ku jirto. 3. In tirada dadka ka qeybgeliya wada hadalku isleegtahay. 4. In dadka wada hadalka ka soo qeyb gelaya aaney ku jirin danbiilayaal dagaal, dad naceyb lagu sifeeyo iyo dad laga biqi karo iney carqalad dhaliyaan. 5. In labada dhinac isu ictiraafaan in mid kastaaba uu wakiil buuxda ka yahay dadka iyo deegaanka uu ka socdo. 6. In labada dhinac midkoodna aanu wada hadalka ku soo darin dad ka tirsan dhinaca kale. 7. In dhinacna aan ku kicin wax borobagaanda ah ama tashuush ah oo uu ku khalkhalinayo dhinaca kale. 8. In laba dhinac midkoodna aanu soo dhiiri gelin, hubeyn ama aanu ogolaan koox, urur ama shaksiyaad iney dhibaato, aflagaado ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah dhinaca kale ka saameeyaan dhulka ay maamulkiisa sheegtaan. 9. In wixii la isku afgaran waayo dib loo dhigo oo aan la sii adkeyn si fursad loogu helo in wada hadalku sii socod. 10. In wixii aad u adkaada ee ay u muuqato in labada dhan aaney isku mari karin, ay tahay in ay dib uugula noqdaan golayaashooda xeerdejinta, dawladohooda iyo ugu danbeyn dadweynahooda. Qodobadaasi iyo kuwa kaloo oo lagu sii daraaba waa iney noqdaan heshiis labada dhinac kala saxeexdaan inta aan agendaha shirka lagu heshiin, wada hadal la iskugu iman. Inta wada hadalkaasi socdo ayaa muhiim ah iney jirto cid kale oo loo xilsaaro iney ka soo taliyaan wixii la yeeli lahaa haddiiba shirkaasi fashilmo. Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha