Siyaasadaha ku gedaaman Somaaliya, guud ahaanba, waxa ay kuu ishaarayaan in arrimuhu u socdaan dhinaca Somaliya u danta ah. Mana muuqato tallaabooyin dhab ah oo ay Somaliland qaadeyso oo ay ama arrintaa ku caabiyeyso ama ay qadiyadeeda kor uugu qaadeyso.
Somaaliya waxa kal hore ka dhalatay dawlad cusub oo taageero badan ka heshay dawladaha caalamka oo ay ka mid yihiin Mareykanku. Reer galbeedka iyo carabta ayaa iyana boodhka ka tumey xidhiidhkii ay Soomaaliya la lahaayeen oo safiiro cusub u direy Muqdisho.
Sannad ka hor waxa ay Somaliland hoos uuga soo degtay go’aankii ay dhowr iyo labaatanka sanadood ku dhaqmeysey ee ahaa inaan Somaliya lala gorgortamin, waxaana ay shirar la gashey Soomaliya. Go’aakaasi waxa uu ka mid ahaa tallaabooyinka isbedelka ah ee dawladda maanta Soomaaliland ka dhisani ay ku dhaqaaqdey oo aheyd in siyaasadda la furfuro oo aaney “koonteynar ku Xidhnaan”, waa sida ay dawladdu u tidhiye.
Siyaasadda ay ku dhaqmeyso dawladda cusub ee Somaliya ka dhalatey wey caddahay, mugdina kuma jirto. Maaha oo keliya iney Sheeganeyso oo ay ku adkeysaneyso midnimada Soomaaliweyn oo ay ku jirto Somaliland, balse waxa ay ku socotaa istaraajiyad cad oo soo afjaraya himiladii Soomaaliland haadii aan laga hortagin.
Shirkii ay Somaliland iyo Somaliya ku yeesheen magaalada London, kal hore, waxyaabihii lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa in distoorka Somalia la ansixiyo, distoorkaas oo ay ku caddahay in dhulka Somaliya, oo ay ku jirto Somaliland oo dhan. Waxa kaloo lagu heshiiyey in Somalia ay ka baxdo habka ku meelgaadh-nimada una gudubto dawlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, aqoonsigaas oo ku saleysan oo ay ku jirto Somaliland. Baarlamaanka Somaliya wuxu ansixiyey distoorkii oo ay ku jirto dhulka Somaliland. Waxa kale ee dawladdii Somaliya ka baxdey ku meel gaadhkii oo ay heshay aqoonsigii dawladaha iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa.
Waxa dhawaan dawladda Somaliya ka codsatay dawladda mareykanka Mohamed Ali Samatar loo soo celiyo xasaanaddii diplomaasiyadeed si aan loogu qaadin dacwaddii ka dhanka aheyd ee ay ku soo oogeen dad ka soo jeedaa Somaliland, dacwaddaas oo aheyd inu Mohamed Ali samatar mas’uuliyad weyn ku lahaa xasuuqii, burburkii loo geystey Somaliland ka hor 1990gii. Codsigaa ka soo yeedhay dawladda Somaliya waxa uu weerar cad ku yahay jiritaanka Somaliland oo waxa uu dhigmaa inay dawladaasi iminka ku doodeyso in wixii ku dhacey Somaliland iyo burburkii iyo xasuuqii uu ahaa wax sharci ah. Jawaabta Soomaaliland ka bixisey aad ayay u liidatey oo uumey qalmeyn heerkii arrintu aheyd. Halka ay ka aheyd in Somaliland ay qaaddo weerar diplomaasiyadeed oo ay ku qasbeyso iney dawladda Somaliya ka noqoto codsigaa oo ay ka bixiso raali gelin, jawaabta Somaliland waxay ku wareegeysey in dhawaaqaa ka soo baxey Somaliya ay jaarnimada xumeyneyso. Ma jiro qiil ay Somaliland haysato oo ay ku difaaceyso mawqifkeeda gooni isku taagga oo ka weyn dulmigii, xasuuqii iyo burburkii loo geystey umadeeda iyo dhulkeeda. Haddii arrinkaa intaa leeg mawqifka Soomaalind sidaa yahay, u maleyn maayo iney inaga dhabtahay waxa an ku doodeynaa.
Saddex bilood ka hor ayay dawladda Somaliya codsatey in laga qaado cuna qabateynta hubka. Dawladda Ingiriiska iyo Ireland ayaa u ololeeyey Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha in cunaqabateyntaa la qaado. Xukuumadda Soomaaliland si fiican ayay uula socotey arrintaasi doodna kamey keenin. Dawladda Ingiriisku waxa ay ololahaa waddey xilligii Wafdiga Soomaaliland la kulmeen dawladda ingiriiska ee bishii ina dhaaftey ee February. Waxa kaloo iyana jirtay laba asbuuc oo uu ajendahaa cunqabateynta lagaga qaadayo hubka Somalilya uu horyaaley golaha ammaanka oo si cad loo wada ogaa. Soomaaliland marna kamey hadal kamaney soo horjeedsan arrintaasi. Markii iminka lagu dhawaaqey in cunaqabateyntii hubka laga qadey Somaliya, Somaliland nuqsaan ayay ku tahay iney arrintaa ka daba hadasho, sababta oo ah, ka aamuska ay ka amustey intii dooda lagu jirey waxa uu u muuqday iney arintaa ama ogoshahay ama aaney waxba ka qabin.
Marka Qado la isku casuumo, waxa dadka la casuumey loo soo dhigaa suxuun faro badan oo ay ku jirto cuntooyin yaryar oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, maraq, macmacaan, labaniyad, muus iyo wax la mida. Balse qadada rasmiga ihi waa marka la soo dhigo hilibka iyo bariiska, waxa kale waa lagu qurxinayaa uun. Siyasadda arrimaha dibedda iyo siyaasadda ku waajahan Somaliya ee ay ku socoto Somaliland, natiijooyinka iyo guulaha ay sheeganeysaa waa wixii lagu qurxinayey hadafka, balse ilaa hadda lama oga in wax natiijo ah laga gaadhey hadfkii kama danbeysta ahaa ee loo socday. Waxa illaa hadda soo baxayaa waa hadalo niyad dhis uun loogu talo galey balse aan muujineyn natiijo cad. Hadalada ad maqleyso waxa ka mida, Waxa wafdiga Soomaaliland lagu soo dhaweeyey meeqaam sare oo aan hore loo arag; Waxa madaaraka loo dhigey roogga cas e madaxweynayaasha loo dhigo; Waxa an ka mid aheyn dawladihii shirka lagu casuumey oo anaga iyo Soomaaliya oo sima ayaa meesha wada fadhiisannay; Soomaaliland kamey qeyb gelin shirka ee waxa ay ka mid aheyd dawladihii lagu casuumey ee soomaaliya wax ka dhexdhexaadinayey; Khudbadii uu jeediyaya …. Waxa ay aheyd mid loo wada khushuucey oo meeqaamkii Soomaalilandna kor u qaadey; Dawaladihii anu la kulannay waxa aanu uuga warraney qadiyadda iyo taariikhda Soomaaliland aadna wey u garowsadeen; Soomaaliland aad ayaa caalamku maanta uugu soo jeeda; Calanka Soomaaliland oo dhex babanayey Madashii shirka lagu qabtey. Kelmadahan iyo qaar kale oo la mida oo kuwa ad markasta ku arkeyso saxaafadda oo shacabka niyadda u dhisa, balse aan wax macno ah sameyneyn haddii aan hilibkii iyo bariiskii uugu muhiimsanaa qadada aan wax laga odhan, oo ah mawqifkii gooni isku taagga. Waxa wafdiyo baxaya iyo shirar laga qeyb galayo, illaa maanta mey soo ifbixin wax muujinaya in gooni isu taagii Soomaaliland kalsooni helay, ictiraaf ha inoo danbeeyee.
Hoggaamiyayaasha Soomaaliland laba arrimood mid uunbaa u furan: in mawqif cad iyo talo cad iyo siyaasad cad oo aan mugdi gelineyn gooni isku taagga ay soo bandhigaan kuna dhaqanto. Ama, iney talada umadda u soo bandhigaan wixii kale ee ay xal u arkaan oo ay si fiican u sheegaan dhinaca looga wareegayo. Mawqifkan aan dhanna jirin ee ah dhinaacana raali geli dadkana wax wanaagsan u sheeg oo aaney ka didin waxa ay keeneysaa dhan walba seeg.
Waxa muhiim ah inan iftiimiyo in talada iyo masiirka ummaddu aanu gacanta uugu jirin dawladda oo keliya, balse ay tahay mas’uuliyad saaran golayaasha oo dhan. Hadhow haddii ay wax qaldamaan, mas’iuuliyadeeda waxa iska leh Dawladda, Guurtida, Baarlamaanka iyo saddexda Xisbi Qaran, mas’uuliyadaasna wey u simanyihiin. Sidaa darteed, waxa muhiim ah in dawladda iyo golayaasha iyo axsaabtuba ay qaataan door ka firfircoon sida ay hadda wax yihiin oo aan talada lagu dhaafin dhawr shakhsi oo xukuumadda ah oo keliya.
Bile - Aqoonta U Adeegta Nolosha