Taariikh: 22/08/2013 Ku: Dhammaan Saxaafadda Somaliland Ujeeddo: Baahin Tacsiyeed Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Md. Mubaarak Ismaaciil Taani, Dhammaan Xubanaha Golaha Sare Ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Ee Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha Xafiiska SONYO, Masuuliyiinta Ururada Dhallinyarada Somaliland Iyo Dhammaan Bahda Dhallinyarada Somaliland Waxa Ay Tacsi U Dirayaan Eheladii, Qoyskii Iyo Dhammaan Shacabka Reer Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogaan Geerida Ku Timid Alla Ha U Naxariistee Marxuum: Suldaan Xasan Barre Shire, Oo Ka Mid Ahaa Salaadiinta Reer Somaliland Ee Qiimaha Weyn Innagu Leh, Isaga Oo Marxuumku Ku Geeriyooday Shil Daad Oo Ka Dhacay Dooxa Dacarbudhuq . Rabbi Ha U Naxariisto Marxuum Suldaan Xasan Barre Shire, Iilka Neecow Qabow Iyo Haku Siiyo Naruuro, Innagana Sabir Iyo Iimaan Ha Innaga Siiyo. Agaasimaha Fulinta ee Dalladda SONYO: Md. Siciid Maxamed Axmed