Tacsi Caaqil Cabdi Ciidle Amaan.
Posted by xaaji on October 22 2013 01:45:59


Tacsi (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun)
Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md.
Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe
Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha
Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha
Dalladda SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u
dirayaan Eeheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Chief Caaqil
Cabdi Ciidle Amaan oo Maanta lagu aasay Magaalada Gabiley. Caaqilka oo
ka mid ahaa Madax dhaqameedka Miisaanka dalka ku leh waxa ay guud
ahaan Masuuliyiintani Tacsi taasi la mid ah uga dirayaan dhammaanba
Qaranka Somaliland shicib iyo dawladba waxaanay Marxuumka Alle Uga
Baryayaan in uu Jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun




Mubaarak Ismaaciil Taani,
Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO
Hargeysa, Somaliland.