Waajibkaaga Dalka - Deyntiisa Iska Bixi.
Posted by xaaji on October 22 2013 01:59:02
Siyaasi, Sheekh, Aqoonyahan, Wasiir, Sarkaal, Madax, Taajir. Marka ad
magacyadan iyo mansabkooda maqasho waxa kugu soo dhacaya iney yihiin
dad dedaaley ama wax bartey. Sidaasi ayaaney u badanyihiin. Balse waxa
intaa dheer in intuba yihiin dad umaddu tacab galisey oo la soo maal
gashadey. Mid walba tacab qaran iyo tacab mujtamac ayaa u dheeraa
dedaalka uu shakhsiyan mansabkaa ku soo gaadhey.
Mid walbana waxa waajib ku ah inu tacabkii iyo waxtarkii qaranka iyo
umaddu soo gashatey dib uugu celiyo oo uu u abaal gudo. Shakhsiga waxa
waajib ku ah inu markasta is weydiiyo maxaad umaddaada uqabatey,
maxaad xaafadda ad degentahay iyo magaaladaada u qabatey, maxaad
tuuladdii ad ku dhalatey ama tolkaa ka soo jeedo u qabatey. Inteed qof
gaajoonaya ama harraadan aad oon tirtey. Inteed qof arin ku
taaganyahay aad xanuunka ka goysey. Haddaad dhakhtar tahay imisa
caruur ah oo aan dhaqaale laheyn ayaad lacag la'aan ku daweysey.
Haddaad wasiir tahay ama ganacsade, waxad isweydiisaa imisa tuulo
ayaad malcaamad ama iskuul amaba ceel biyood ama rug caafimaad
jeebkaaga ama dedaalkaaga uugu dhistey, adoon ta dawladda sheeganeyn.
Haddii aaney jawaabtaadu wada aheyn "wax badan ayaan arinkaa iyo mid
la mida u qabtey umadda" waxa ay u eegtahay in weli qaan lagugu
leeyahay.
Dadkan an tiriyey iyo kuwa kale ee la meeqaamka ah intooda badani
iyaga ayaaba had iyo goor raba in la aqoonsado oo loo sad kordhiyo,
korsiga looga kaco oo loogu yeedho magacyo waaweyn oo raali geliya.
Qaar badanina waxaabad moodaa iney umadda iyo dalka xaq uugu leeyihiin
in loo abaal gudo. Hadda waa qofkii umadda maalkeeda iyo kii waalidkii
la gashadey ee sanado badan oo tacliin ah laga soo saarey oo ay u
dheertahay sanado badan oo kale oo tababar iyo waaya aragnimo la
siiyey. Qofka noocaas ah qaan badan ayaa lagu leeyahay ee yuu madaxa
isku buuxin oo uu isu qaadan inu umadda xaq uugu leeyahay in intaa
looga sii kordhiyo.
Caafumaadka iyo dadnimada qofka ayaa ku jirta in qofku qeyb firfircoon
ka qaato mujtamaca uu ka tirsanyahay. Ka qeybqaadashadu maaha oo
keliya inu qofku lacag iyo sadaqo uun ku deeqo, balse waxa muhiim ah
inu ka dhex muuqdo arimaha khuseeya nolol maalmeedka bulshada. Waxa
muhiim ah in aqoonyahayka iyo siyaasigu noqdaan dad dadka caadiga ihi
ay afgarankaraan oo ay waxweydiin karaan. Wey yartahay inta maanta qof
mansab hayaa ama aqoonyahan sheeganaa la kulma oo la noolaada
mujtamaca caadiga ah. Aqoonta iyo lacagta iyo mansabku maaha inu dadka
kaa dhexsaarto oo ad noqoto qof la hadla oo la socda inyar oo kooban
oo ama ay isku mansab yihiin ama isku aqoon ama isku jeeb yihiin.
Waxa muhiim ah inu qofku dib wax uugu celiyo umaddii uu ka soo aflaxey
gaar ahaan meesha uu caruurnimadiisii ka soo jeedo. Qofka mansab sare
haya ama aqoonyahan ihi marka uu dib uugu noqdo ee uu wax uugu qabto
tuladii ama magaaladii uu ka yimid caruurnimadisii, waxa uu mujtamaca
iyo caruurta halkaa joogta u noqonayaa dhiirigelin iyo qof ay ku
deydaan, waxaaney u badantahay in caruur badani ku hamido iney
dedaalaan oo ay maalin uun gaadhaan halka qofkaasi gaadhey. Waxa kale
oo ay mujtamaca gaar ahaan caruurta iyo djalinyarada xusuusineysaa
inaa madaxtinimada iyo aqoontu aaney gaar u aheyn inta reeraha ladan
ka soo jeeda balse ay tahay wax qof kasta oo dedaalaa gaadhi karo.
Qofka wasiirka ah ama ganacsadaha ah amaba aqoonyahanka ah ee tuuladii
uu ka yimid ee uu ka soo jeeday amabase xaafadda uu degenyahay
caruurtii ku nooleyd aaney iskuul dhiganeyn ama aaney laheyn ceel
nadiif ah oo ay biyo ka cabayaan ee aan isku taxalujin sidii uu
dhibkaa u daweyn lahaa. Amase dhakhtarka aan bishiiba ama asbuuciiba
maalin miyiga u baxeyn oo aan dadka liita lacag la'aan ku soo
daweyneyn, waxa ay u muuqan karaa calooshii u shaqeyste hadafkiisa ku
soo ururiyey dantiisa gaarka ah.
Aqoonta iyo mansabku dhabta ihi waa inta qofka dheer ee cid kale
manaafacaadsato. Haddii ay qofka uun ku koobnaato dhadhan ma
yeelaneyso, dadnimadii ayaa ku yraaneysa barako badanna yeelan meyso.
Waxa taa u sii dheer, in qofka noocaas ihi aanu wax raad ah oo lagu
xasuusto ka tageyn.
Bile - Aqoonta u Adeegta Nolosha
[email protected]