Ujeeddo: Tacsi (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun)
Guddoomiyaha Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Dhammaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Dhammaan Shaqaalaha Dalladda SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u dirayaan Eeheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Abwaan Ali Haasan Adan ( Ali Balfas) oo Maanta ku geeriyooday mahalada hargaysa isla markana lagu aasayo magaada . Abwanka oo ka mid ahaa Dadkii Miisaanka dalka ku leh waxa ay guud ahaan Masuuliyiintani Tacsi taasi la mid ah uga dirayaan dhammaanba Qaranka Somaliland shicib iyo dawladba waxaanay Marxuumka Alle Uga Baryayaan in uu Jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Mubaarak Ismaaciil Taani,
Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO
Hargeysa, Somaliland.